GUDDAHA KA AKHRI: Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Ku Xukuntay Askarigii Dilay Taliyihi Saldhiga Degmada Arabsiyo

0
24

Hargeysa(Hubaal):-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Mawliid Maxamed Suudi oo ahaa Askarigii dilay Taliyihii Saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil(Cabdi-Case) oo maalintii shalay ahayd lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliland Kornayl Yuusuf Faarax Sharma’arke ayaa sidan ku sheegay mar uu la hadlaayey Idaacada BBC-da,waxaana uu sheegay in Askarigaasi oo ay dacwadiisu ka socotay Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida,isaga oo sida oo kalena carabka carabka ku dhuftay in Mawliid Maxamed Suudi uu Maxkamada horteeda ka qirtay in uu dilay Taliyihii Saldhiga Booliska ee dagmada Arabsiyo Marxuum Cabdi Ismaaciil.

Alle ha u Naxariistee Marxuum Cabdi Ismaaciil oo ahaa taliyihii Booliska ee Saldhiga Arabsiyo ayaa shalay Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeysa,waxaana aaskiisa ka qayb galay Madaxweyne xigeenka, xubno Golaha wasiirada ka mid ah,Xildhibaano iyo Madax kale oo aad u tira badan.charge

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here