Waxaanu aad u soo dhawaynaynaa nabada iyo geedi socodka dimuquradiyadeed ee nidaamka asxaabta badan ee wadaankeenu qaatay sidoo kale waxaanu aad u ixtiraamaynaa in muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi tageeri karo saddexda xisbi kay u arkaan in horumarka iyo nabad aynu maanta ku naloonayo dalkeena Somaliland uu sii horumarin karo sida dastuurkeenu qeexayo.
Sidaa darteed hormoodka dhalinyarada beelaha arab ee G:16 ka dib markii ay shirar badan oo maalmo qaatay isku arkeen waxaa la isla waafaqay qoddobadan hoos ku xusan:
- In laga qayb qaato sidii beelaha arab loogu wacyi galin lahaa diwaan galinta codbixiyeyaasha ee lagu gali doono doorashada 2017.
- In wada shaqayn fiican oo joogto ah lala yeesho siyaasiyiinta beesha ee xisbiga kulmiye u daacada ah mar kasta iyo goor kastaba.
- In si fir fircoon looga qayb qaato tageerida xisbiga kulmiye madam aynu nahay dhardhaarkii saddexaad ee xisbigu ku taagnaa.
- In dhalinyarada beelaha arab ay u diyaar garobaan sidii ay uga muuqan lahayeen qaab dhismeedka xisbiga kulmiye.
- In loo diyaar garoobo sidii safar shaqo loogu bixi lahaa dhamaan gobolada iyo deegaanada ay beelaha arab degaan loona soo abaabuli lahaa qaab dhismeedka dhalinyarada beelaha arab.
- In laga qayb qaato dadaalada horumarineed ee wadanka ka socoda, loolana xisaabtami lahaa, loogana qayb qaadan lahaa waxqabadyada ka socda dhamaan degmooyinka beeshu degto ee ku kala yaala gobolada Maroodi jeex, Saaxil, Tog-dheer. Hawd iyo Daad Madheedh.
Ugu dambayn waxaanu talo ahaan ku soo jeedin lahayn in siyaasiyiinta beesha ee xilalka ka haya heer dowlad hoose iyo heer dowlada dhexba ka waan tobaan abaabulada madhalayska ah ee ay xisbiga wadani ugu kambayn garaynayaan hantida ma guuratada ee dowladu leedahay. Waxaanu talo ahaan soo jeedinaynaa in ay la jaan qadaan xukumada iyo xisbigeedba oo ay ka baxaan u shaqaynta xisbiyada mucaaridka.
ALLAA MAHAD LEH
Hogaanka Guddida G:16
Arab_G:16@gmail.com