6 Julaay, 2015ka
HESHIIS LABADA XISBI MUCAARID GADHEEN
Nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa khatar iyo dib-u-dhac ku ah rabitaanka madaxweynaha, iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo ah in aan doorasho dalka kadhicin. Sidaa darteed, waxay labada Xisbi-mucaarid mawqif midaysan kaqaateen heshiisyadda ma-dhalayska ah ee xukuumaddu saxeexdo.
Haddaba waxaa 5tii, bishan Juulay 2015ka kulan ay labada Xisbi ee UCID iyoWADDANI kuyeesheen Hotel Ambassador oo ay goob-joog ahaayeen labada Gudoomiye ee labada Xisbi Mudane Feysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) kaga doodeen arrimaha siyaasadda, nabad-gelyada iyo bulshada ee Somaliland, gaar ahaan heshiiskii ay wada-galeen xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran 27kii May 2015ka; ee welina laga sugayo xafiiska madaxweynaha.
waxaygo,aankugadheen
- Iyaga oo tix-geliyey amniga qaranka, dhawrayana karaamadda ummadda
- Iyaga oo tix-geliyey deggenaashaha iyo xasilloonida Dalka,
- Iyaga oo tix-geliyey bisha Ramadaan ee lagu jiro,
- Iyaga oo tix-geliyey muddada dheer ee laga sugayey xukuumadda inay fuliso heshiiska,
Innay baaq kama danbaysa u dirayaan Madaxweynaha:
- In Madaxweynuhu fuliyo heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda ee lagu wada galay madaxtooyadda 27kii May 2015ka.
- In Madaxweynuhu isaga oo xurmeynaya heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda, tixgelinayana danta qaranka in uu digreeto ku soo saaro heshiiskii la-wadda-galay, ka hor 20/7/2015ka,
- In haddi aannu madaxweynuhu fullin heshiiska soona saarin Degreeto heshiiskii la wada-galay inay isbahaysiga mucaaridku isugu iman doonaan talo dalka lagu badbaadinayo Qaranimada Somaliland 21-26 July 2015ka,
ALLAA MAHAD LEH