GUDDAHA KA AKHRI: Safiiradda Maraykanka iyo Ingiriiska U Fadhiya Kenya iyo Itoobiya oo La Filayo In Maalinta Berri Ay Shir Kula Yeelan Doonaan Madaxweyne Siilaanyo Magaaladda Berbera

0
20

Hargeysa (Hubaal)-Safiirka Ingiriiska ee u fadhiya Addis ababa iyo ka Maraykanka u fadhiya Nairobi ayaa ku sugan caasimada Hargeysa, waxaanay kulamo la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis.
Labada Safiir ayaa kulankii maanta kadib waxa ay magaalo Xeebeeda magaaladda Berbera kulan kale maalinta Berri ah kula yeelan doonaan Madaxweyne Siilaanyo, halkaas oo la isku dhaafsan doono Xogo qarsoodi ah.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhici doona Markab dushii , waxaanu la mid noqon doonaan kii ay sanadkii hore labada dhinac ku yeesheen mid ka mid ah Maraakiibta dagaalka eek u sugan Biyaha Badda Cas.

Illaa hada ma jiraan Xogo faahfaahsan oo ka soo baxay kulanka aya Qasriga Madaxtooyadda ku leeyihiin Safiiradda safaaradaha Ingiriiska iyo Maraykanka iyo Madaxda Somaliland, hase yeeshee tibaaxaha soo baxaya waxay la xidhiidhaan Arrimo Siyaasadeed iyo kuwa Amni.DSC_0010 DSC_0007

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here