GUDDAHA KA AKHRI: Somaliya iyo Somaliland oo Heshiis ku kala saxeexday Dalka Jabuuti

0
22

Jabuuti(Hubaal) Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa goor dhaweyd xarunta Qasriga Madaxtooyadda Jabuuti ku kala saxeexday Heshiis ka kooban Lix qoddod, kuwaas oo u dhignaa sidan:-

1.Iyada oo laga duulayo wadahadaladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland ee ujeedadoodu ay ahayd in xal laga gaadho xidhiidhka u dhexayn kara labada dhinac, ayaa Madaxweynaha Dawladda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh j2Maxamuud iyo Madaxweynaha Dawladda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxay ku kulmeen magaaladda Djabuuti 21/12/2014. Waxay labada Madaxweyne isku af garteen.

 HESHIIS1 HESHIIS

In la dar dar galiyo wadahadalada labada dhinac, isla markaana wakhti lagu jaangooyo

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyey.

  1. a) In laga dhawrsado wixii wadahadalada carqalad gelin kara.

  1. b) In aan la siyaasadayn deeqaha aadminimada iyo mashariicda dib u dhiska walibana la dhiirigaliyo

  1. c) In la fuliyo heshiiskii hawada iyada oo farsamo lagu saleynayo wixii lagu heshiiyey.

  1. Labada dhinac waxay isla garteen in dawladda Djabuuti laga qeyb geliyo wadahadalada marka loo baahdo.

  1. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen ilaalinta xuquuqal insaanka, iskaashiga nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka arga-gixisada, nudhcad-badeedka iyo dembiyada abaabulan (otganized Crime).

5.In madasha tan ku xigta ee ay ku kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Somaliya iyo Somaliland ay noqoto 26-27 Febraayo ee 2015, laguna qabto magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

  1. Waxay labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Somaliland ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo martigeliye wadahadalkan, ka dib markii ay labada dhinac sidaa ka codsadeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here