GUDDAHA KA AKHRI: “Wasiiraddii Ugu Tayada Wacnaa Beel Kaliya Ayaa Wada Haysa…Saami qaybsigii Somaliland ayaan Caddaalad ahayn…”

0
42

Hargeysa(Hubaal)- Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, oo ka mid ah Salaaddiinta Gobolka Awdal ee Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey tabashada ay qabaan dadka Gobolada galbeed ayaa sheegay inaanay wali la kulmin Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay baadhista Tabashada Awdal. Waxa uu sheegay inaanay iyaga waxba uga dan ahayn Guddidaasi, balse Madaxweyne Siilaanyo ay ka sugayaan war rasmi ah oo ku saabsan Cabashada ay hor dhigeen. waxa uu sidan ku sheegay Suldaanku waraysi uu siiyay Radio Hirad oo Fadhigeedu yahay Hargeysa. “Tabashadayadii waxaanu u gudbinay Madaxweynaha, Madaxweynuhuna wuu garawsaday, waxaanu u saaray guddi,anaguna waxaanu nidhi Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ayaanu la gar naqsanay oo aanu ka sugaynaa Jawaab ama iyagu guddi ha samaystaan ama cid ha u dirtaane anagu Madaxweynaha uun baanu kala xisaabtamaynaa wixii aanu hor dhignay,”ayuu yidhi Suldaan Ibraahin Jaamax.

IBRAHIM-JAAMAC-SAMATAR
Suldaanka oo la waydiiyey inay la kulmeen guddida Madaxweynuhu u saaray wuxuu ku jawaabay. “Maya, anagu guddidii ismaanu arag-ba, anaga wuxuun baa naloo soo gudbiyey guddi baa la magacaabay, laakiin anagu guddi wax umaanu dhiibane anagu Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeen ayaanu u dhiibnay, markaa guddidu ha u soo baadhaan ama wax u sameeyaan ee anagu iyagaanu war ka sugaynaa.”

Sidoo kale, Suldaanku wuxuu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u badan tahay beel kaliya oo gacanta ku dhigtay waxyaabihii ugu badnaa wuxuu yidhi, “Waxa weeye Muddo ba way jirtay, waxaa jiray Ballamo Madaxweynaha aanu la lahayn oo kolba dib nooga dhacayay uun baa wakhtigan soo gaadhsiisay ee maaha xilli lagu beegay ee waxaa qabsoomi waayay dhawr jeer oo Madaxweynuhu nala ballamay muddo laba sano ah, dhawr jeer oo Madaxweynuhu qalin jabin u yimid Boorama oo uu balan noo qabtay Ballankii Ma suuro galin. Saami qaybsigii Somaliland ayaan Caddaalad ahayn oo aan sidiisii u dhicin, waxaana jira Sad-bursi fara badan. Gaar ahaan marka la eego dhinaca wasiirada oo Wasiiradii ugu tayada lahaa Meel kaliya ay ku Urursan yihiin oo Beel kaliyi wada haysa, taasina Dawlad-nimo maaha, Janannadii Ciidamada oo Beel Kaliya wada ah baa laba ka ah, waxa kale oo ka mid ah Dhaqaalihii dalka ama Maaliyaddii oo dhinac kaliya ka wada raran”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here