Gabiley(Hubaal)Xubno Wasiiro ah oo ka Kooban Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka madaxtooyada U amba baxay Gobolka Gabiley oo ay Ciidanaka Asluubtu Ku Toogteen Wiil dhalin yaro ah oo isku dayey inuu ka baxsado Xabsiga
Marxuumka ay Toogteen oo la odhan jiray Mukhtaar bare (salool) ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa uu ka Baxsaday Saldhiga Booliska Magaalada oo uu ku Xidhnaa Maalmihii la soo Dhaafay.
Markii uu marxuumku ka baxsaday saldhiga qaar ka mid ah ciidanka oo la kulmay ay Toogasho Baas Xabado ah ku Fureen.
Wararku waxa ay sheegayaan in uu u xidhnaa Maandooriye lagu qabtay balse aanu wax xukun ahi ku dhicin maadaama oo aan loo gudbin jeelka weyn ee magaalada Gabiley.