Hargaysa(Hubaal) waxaa goor dhawayd xarunta C.I.D- da lagu xidhay wariye Cabdiraxiin Mawliid Cismaan oo ka hawlgala Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews, Xildhibaan Ibraahim Mahdi (Buubaa) ,Xildhibaan Bashiir Tukaale,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan Maxamed Saalax oo katirsan golaha wakiilada Somaliland, sida uu nooxaqiijiyay wariye Cabdiraxiin Mawliid oo aan khadka telifoonka gacanta oo uu watay ay u sooro gashay inuu la soo xidhiidho xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews.
Xildhibaanadan la xidhay ayaa dhamaantood ah xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda mooshin la sheegay in xilka lagaga qaadayo gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
Dhinaca kale waxa ay waraku sheegayaan in wariyayal kale lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Haragaysa.
Xadhiga saxafiyiinta iyo xildhibaanadan ayaa kadanbeeyay markii saaka golaha wakiilada lakeenay mooshin xilka laga qaadayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro iyadoo sidoo kalana labadalay ciidankii ilaalinjiray Golaha wakiilada.