Hargaysa(Hubaal)Axmed Yuusuf ismaaciil oo ah Maamulaha Laybareeriga Ay Xukuumadu Saaka Albaabada u laabtay ee Gaandi ayaa ka waramay Sifaha saaka loo xidhay.
Waxa uu sheegay in wasaarada hawlaha guud gaadiidka iyo Guryanta Somaliland ay siisay nin ganacsade ah oo magaciisa uu ku sheegay ilma Faarax Xarbi,waxaana uu cod dheer ku sheegay in si dulmi ah Loo siiyay.
Axmed Yuusuf ismaaciil Waxa uu ka codsaday Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu arinkaas Foosha Xun ee albaabku loogu laabay Laybareerigii Gaandi Wax ka qabto,isla markaas Waxa uu sheegay in loogu hanjabay hadii uu soo faro galiyo in xabsiga la dhigi doono.
Sidaasna waxa uu ku sheegay Axmed Yuusuf ismaaciil waraysi gaar ah oo hadhwanaagnews Goor dhawayd la yeelatay waxaana uu yidhi”
“Maktabada Gaandhi Ee Kutaala Magaalada Hargaysa Una Dhaw Saldhiga Dhexe ee Hargaysa,waxaana ahay ninkii aas-aasy 1999 imika waxa uu furan yahay 15sanno waxaana lagu aas-aasay buugaag laga keenay wadanka Canada,Markaas Dalka Waxa maayar ka ahaa cabdiraxmaan Cadami,Madaxwaynaha somaliland ayaa soo ogalaaday in Laybareeriga Lasameeyo,waxaana xiligaasn ogolaaday wasiirkii arimaha gudaha Axmed jaanbiir ayaa ugu wareejiyay Furihii Meesha Sidaas ayaanan ku furay Laybareeiga Gaandi.
Axmed Yuusuf ismaaciil oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray”mudo hada laga joogo bila ayaa laybareeriga waxa iigu yimid nin wada waraaq lagu leeyahay hadaa masuul ka tahay laybareeriga waxa lagaaga yeedhayaa maxkamada gobolka,Marakaan tagay maxkamadii ayaa laygu yidhi niman ganacsato ah oo layidhaa ilma Faarax Xarbi ayaa lagu wareejiyay Ee toban cisho gudaheeda kaga guur.
Dhinaca kale waxa uu sheegay Axmed Yuusuf ismaaciil oo ahaa maamulaha Laybareeriga gaandi in Maanta loo keenay Waraaq ka socota Maxkamada oo lagu farayo in lagu xidhayo Maxkamada waxaana uu sheegay in laybareerigaas khalad ku xidhan yahay waxaana uu baaq u diray madaxwaynaha somaliland waxaana uu yidhi”
“Laybareerigii Gaandi caawa waa xidhan yahay,waxaana xidhay Saldhiga dhex ee magaalada hargaysa oo amar ka haystay Maxkamada gobolka,anigu waxaan leeyahay Arinka uu ku xidhan yahay waa khalad arinka madaxwaynihii xiligaas ogolaaday in maanta nin ganacsade ah oo dan gaara leh loo xidho oo waliba anigana lay yidhaa waa lagu xidhayaa waxaan u arkaa in ay khalad wayn tahay oo dadkii ku xidhnaa bahad waxbarashadana khalad la galay tahay.
waxa uu nasiib daro iyo u qaadan waa ku tilmaamay in dadkii dalka usoo halgamay iyo kuwii lacagtooda ku bixiyay danta guud in ay xukuumada niyada jabinayso isla markaas goobihii loogu talo galay in ay wax ku akhristaan marba cid ay dan gaar ah ka leedahay siinayso waxaana uu yidhi”
“ilma faarax xarbi waxaan leeyahay walaalo amaanka hanaloogu dadaalo,wasaarada hawlaha guud ayaa tidhi nimaankaas anaga ayaa siinay laybareerigii gaandi,markaas siday wasaarada hawlaha guud u siin kartaa nin ganacsade ah halkiin shacabka iyo ardayda dalka wax ku akhrisanayeen,waxaanan madaxwaynaha somalilan ka codsanayaa inuu arintaas ka hawl galo khaladkaas galayna Saxo nimankaas lacagta badan sitana waxaan leeyahay maanta waxa la joogaa 2014kii ee lama joogo 1984kii.
Si kastaba ha ahatee Laybareerigii Gaandi ayaa maanta albaabada Xukuumada u laabtay Ka dib markii ay siisay nin ganacsade ah oo siday ay shegeen Masuuliyiintii maamuli jirtay Laybareerigu Dano gaar ah ku fushanaya,waxaana ay cod dheer Madaxwayna somaliland ugu soo jeediyeen inuu arinkaas wax ka qabto.