Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in xukuumaddu ay saxaafadda ku dhaqeyso xeerka saxaafadda ee uu dhaqan-galiyey Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin (Xeer Lr 27). Waxayna xukuumaddu ka noqotey xeer kale oo warbaahintu hore uga soo hor-jeedsatay.
Wasiirka Warfaafinta oo maanta shir jaraa’id oo ka qayb-galeen tifaftirayaasha hay’adaha warbaahinta Somaliland ku qabtey xarunta wasaaraddiisa, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waa inuu jiraa xeer kaa qaabta sodohda, sodogga, Nabadgalyada, baayac-mushtarka, Sheekha, Madaxda iyo nolosha, maantana hal xeer baynu haynaa, waanna xeerka uu saxeexay Madaxwayne Daahir Rayaale, ee uu saxeexay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, ee Golayaasha Guurtida iyo wakiiladu ansixiyeen, xeerkaasi ayaa maanta laga bilaabo aanu idinku dhaqeynaa. Xeerkaasi waxa uu tilmaamayaa akhlaaqda suxufiga wanaagsan”
Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waxa kale oo aanu samaynaynaa guddi hubinaya suxufiga, xafiis baanu u samaynaynaa, guddidaasi ayaa u dhaxeynaysa saxaafadda iyo umadda. Guddidaasi ayaa daawan doonta Telefiishannada, Wargeysyada akhriyi doona, oo website-yada kuwooda muctarifka ah akhriyi doona. Guddidaasi oo aanu toddobaadka dambe samaynayno way madax-banaan yihiin, waxayna ka koobnaan doonaan saxaafadda aqoonta u leh Mihnaddan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Mulkiilayaasha, tifaftirayaasha warbaahinta iyo war-fidiyeennada waan ku war-gelinayaa maanta laga bilaabo waxaynu ku dhaqmeynaa xeer Lr 27. Hadda ka dib saldhig boolis idin geyn mayno ee guddidaasi waxay yidhaahdaan (sida Website-kaasi qaladaadkaasi ayuu galay), intaasi oo jeer ayaanu u dignay, qodobbada noocaas ah ayuu ku gefay ayay ummada u sheegayaan, marka ay umadda u sheegaan, ama caan ku noqo ama sumcaddu maalintaa ha kaa dhimato”
Laakiin, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa wax aan suurto-galeyn ku macneeyay awaamiirta cusub ee uu saxaafadda dul dhigay wasiirka warfaafinta Somaliland.
Xoghayaha guud ee SOLJA, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo Kulanka Wasiir Cukuse la yeeshay Warbaahinta ka dib Saxaafadda la hadlay, ayaa yidhi “Horta waanu soo dhaweynaynaa Wasiir (qorshahaasi), in badan baanu kuugu taag la’ayn Xeerka Saxaafadda ee lambar 27 Sanadkisuna ahaa 2004 ee Madaxweyne Daahir Rayaale Saxeexay, labada Gole baarlamaanna Ansixiyay ee Madaxweyne Siilaanyo-na Wareegtada ka soo saaray 2012-kii ee wali ka qarsoon wasaaraddaha iyo garsoorka”
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan Wasiir kuu sheegayaa Guddida Anshaxa waxaa xaq u leh Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, qodobkiisa 5-aad baanu ku qoran yahay, waa guddi madaxbanaan, mid Dawlad u adeegana ma noqonayo”