GUDDAHA KA AKHRI+DAAWO Guddidii Madaxweyne Silanyo U xil-saaray ka soo talo-bixinta Tabashooyinka Madax-dhaqameedka Awdal Oo hadlay

0
45

Hargeysa(Hubaal):- Guddiga uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) horraantii bishan u xil-saaray inay ka soo talo-bixiyaan Tabashooyin faro-badan oo ay u soo gudbiyeen Madaxda Dhaqanka ee gobolka Awdal, ayaa sheegay inay hawshu meel fiican u marayso, isla markaana ay illaa toddoba kuklan oo ay ku darsayaan tabashooyinkaas iyo talooyinka looga baahan yahay inay Guddigu ka siiyaan Madaxweynaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Wasiirrada ah ee uu Madaxweynuhu u xisl-saaray ka soo talo-bixinta Tabashooyinkaas, ayaa Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa uu ku sheegay inay arrintaasi meel fiican marayso, isla markaana ay ka fiirsanayaan heerka iyo mugga taladeeda laga sugayo oo ay dhawaan u gudbin doonaan Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Mr. Cadami shirkiisa jaraa’id ee uu kaga hadlayo tirada kulammada Guddigooda, halka wax u marayaan, rejada ay ka qabaan talada ay gudbin doonaan iyo cidda fulinteeda iyo ka xaalkeedu ka dhexeeyo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon.

cadami

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here