War-saxaafadeed:Ururka dhalinyarada Jiidaali ee cariga Norway
Marka hore waxaan salaamayaa, shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland, gudaha iyo dibadaba. Waxaan cambaaraynaynaa, xadhiga gudoomiyaha Ururka Jiidali ee gobolka Togdheer. Waxaan cambaaraynaynaa, gudoomiye-ku-xigeenka gobolka, Mr. Oday oo dawladu u adeegsatay xadhiga, gudoomiyaha Jiidali ee gobolka togdheer.
Madaxdii wadanku, iyaga oo ogsoon, kala saari karaya, sharci, iyo sharcidaro, ayey hadana indho-laan u baal marayaan nidaamkii qaynuuniga ahaa. Qof aan dambi gelin, cid xadin, dhagar gelin, ayaa hadana qofkii dawlada wax ka sheegaba la xidhayaa.
Dastuurka ayaa siiyey muwaadin kasta xaqa uu ku cabirayo fikirkiisa.
Waxaan leenahay, gudoomiye-ku-xigeenka gobolka togdheer, hawl badan ayaa kuu taala. Shaqada, umadu kaa sugayso u qabso. Dadka way hadleen, iyo dawlada ayey wax ka sheegeen, iskagama xidhi kartid. Halka, lagaa soo diray, iyo cida ku isticmaalaysa , waanu la soconaa.
Dhamaan dhalinyarada ururka Jiidali ee gudaha iyo dibadaba, waxaanu u soo jeedinaynaa in aynu isku duubnaano. Shirka Subeer-Awal eek a dhacaya, wadanka ingiriiska 20.desember, waanu u hambalyo ayaanu leenahay. Waxaan rajaynaynaa in qodobo midho dhalaa ka soo baxaan. Insha Allah
Amnesty international, oo ah hay’ada ugu weyn aduunyada ee u dooda xuquuqda dadka sharcidarada lugu xidho, xafiiskeeda ku yaal magaalada Oslo, Norway waxa aanu manta u gudbinay magaca gudoomaha Jiidali ee gobolka togdheer.
Waa, Gudoomiyaha Jiidali ee
Scandinavian’ka ahna gudoomiyaha
Dhalinyara berdaale ee Gabiilay
Mr. c/rixiin Axmed