“Waxaanu kabaqaynaa in uu nagu soo dumo” Mustafe Faarax
Sheekh (Hubaal) Iskuulka Daasadaale oo ah Iskuul Hoose ee Degmada sheekh oo ay dhigtaan Arday aad u yar yar ayaa waxa uu ku suganyanyahay xaalad aad u halis ah kadib markii ay dildilaaceen seked dhan oo ka mid ah dugsigaasi,iskuulkaas soo ka kooban laba sekadood oo iska soo hor jeeda isuna jira dhawr talaabo oo gaydh qudha kuwada jira ,isla markaan ay labada sekadood mid ka mid ahi dhamaan Gidaaradiisii waada qarxeen kaas oo halis wayn ku haya Aradayda dhigata maadama ay dhici karto in iyagoo hoos maraya ay kusoo dunto,Ardayda ayaa markii hore Galaas yada dugsigaasi wada dhiganjirtay,laakiin markii danbe waxa laysugu geeyay dhinac ka mid ah iskuulka sidii marba galaas looga rarayay”
waxaanu kabaqaynaa in uu nagu soo dumo ”sidaas waxa yidhi”Mustafe Faarax oo ka mid ah Caruurta wax ku dhigata Iskuulka Hoose ee daasadaale ee sheekh oo halis ugu jira inuu kusoo dumo caruurta ardaydaas.
Khadiija Xuseen X Xasan oo ah Xildhibaanad Golaha degaanka sheekh ka tirsan isla markaan ah Gudoomiyaha Arimaha Bulshada ee Golahaaasi oo aanu waxa ka waydiinay ayaa iyana waxay qirtay in halis badani ka jirto iskuulkan daasadaale waxaanay tidhi”Iskuulkani waxa uu ku yaalaa meel xundhur ah in badan waanu soo jeedinay dhismihiisa oo dhawr hay,adood way noo yimaadeen laakiin meeshaa waxay leedahay dilaac mar walba qarax bay keentaa,Mashaariicda 2015 ka ayaanu rajaynayanaa inaanu caruurta meesha ka raro,sanadkan dhamaaday waxba ma hayno waakuwaas hada ku jira.halisi way jirtaa hadana ilaahay baa badbaadiya,
waxaanu kabaqaynaa in uu nagu soo dumo ”sidaas waxa yidhi”Mustafe Faarax oo ka mid ah Caruurta wax ku dhigata Iskuulka Hoose ee daasadaale ee sheekh oo halis ugu jira inuu kusoo dumo caruurta ardaydaas.
Isku soo wada duuboo iskuulkan daasadaale ayaa in badan sidani u dunsanaa waxaanu baahanyahay Gur mad adag oo lagu badbaadiyo khatarta khatarta ka imankarta Caruurta aan iyagu aan da,doodu ka badanayn Toban jirka ee wax ku barata.