Boorama (Hubaal) Ururka dhalinyarada Beelaha Habar-Cafaan ayaa habeenkii xalay munaasabad casho sharaf ah ku maamusay waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay gudoomiyaha golaha wakiilada Ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka WADDANI Md.C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,waxaana munaasabadaas ka soo qayb galay mas’uuliyiinta heer qaran,heer gobol,heer degmo iyo marti sharaf kale.
Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay qaar ka mid ah dhalinyaradii soo qabanqaabisay kullankan casho sharafta ah ee Beelaha Habarcafaan kuwaas oo kala ahaa Daahir Diiriye Daahir Iyo Xildhibaan Bade Muuse Gaafane hadalo soo dhawayn ah ka dib waxa ay ka warbixiyeen taariikhdii dheerayd ee uu xisbigani soo maray iyo sidii ay ka beel ahaan cududoodii iskugu geeyeen markii uu ahaa ururka oo ay u soo saari lahaayeen si uu u noqdo xisbi,waxa ayna Alle uga mahadceliyeen dadaalkii weynaa ee ay la yimaadeen ka beel ahaan iyo sidii uu alle ugu guuleeyay.
Sidoo kale dhalinyaradan ayaa sheegay in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin xisbigan sidii uu guul wax ku ool ah uga soo hoyn lahaa doorashada soo socota ee dhici doonta sannada 2015-ka kuwaas oo u rajeeyay Gudoomiye Cirro Iyo Gudoomiye Ku Xigeen Axmed Mu’min Seed inay noqdaan kuwo dalkan badbaadiyay marka ay talada dalka hantaan ee ay ku fadhiistan kursigan dariiqa adagi ka horeey
Dhanka kale waxaa isna halkaas ka hadlay Suldaanka dhalinyarada Somaliland Suldaan C/raxmaan Axmed Sh/Muxumad waxa uuna kula dardaarmay Xisbiga WADDANI In ay wax ka qabtaan balamihii horey ay u balanqaadeen xisbiga KULMIYE ee aysan fulin oo ay kow ka tahay tahriibka dhalinyarada iyo camal la’aanta,sidoo kale waxa uu sheegay maadaama uu isagu yahay suldaanka guud ee dhalinyarada Somaliland uu xisbi kasta oo lagu soo marti qaado uga qayb gali doona magaca dhalinyarada Somaliland.
Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa halkaas ka hadlay labada mas’uul ee ugu sareeya xisbigan kuwaas oo kala ahaa Gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro” Iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Md.Axmed Mu’min Seed waxa ayna uga mahadceliyeen dhalinyaradan ka soo jeeda Beelaha Habar-cafaan ee sooryada wanaagsan ugu dartay soo dhawayntii balaadhnayd ee reer Awdal u sameeyeen waftigii Cirro ee shalay gobolka Yimid waxa ayna kula dardaarmeen in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan siyaasada xisbiga WADDANI si loo xaqiijiyo himilada fog ee uu xisbigu hiigsanayo.
Ugu danbayn waxa ay mas’uuliyiintani u mahadceliyeen sidii baaxada lahayd ee reer Awdal u soo dhaweeyeen kuwaas oo sheegay inaysan iloobi doonin haduu alla idmo.
Si kastaba ha ahaatee kullan martiqaadka ah ee ay dhalinyarada Beelaha Habar-cafaan u sameeyeen waftigii Cirro hogaaminayay ayaa noqonaysa mid guul ah taas oo xisbiga u hagaysa hanashada kursigan maadaama ay beeshani tahay beel cudud weyn ku leh gobolka Awdal oo ay sannadkani ka go’antahay sidii ay xisbigan ay hogaanka u ahayaan Gudoomiye Cirro Iyo Gudoomiye Seed ugu fadhiisin lahaayeen kursiga madaxtinimo ee dhawrka bilood tartankiisu ka hadhsanyihiin.
Warkan waxanu kasoo xiganay oo daabacay shabakada Hadhwanaag