Hargeysa (Hubaal) Guddi ka kooban Salaadiin, Madax dhaqameed iyo Culimo awdiin ka soo jeeda Degmadda Maxamuud Haybe ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa oo isku xilqaamay ka garnaqa Odayaal dhawaan warbaahinta u mariyey Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo ay ku eedeeyeen in uu ka lunsaday lacag Mageed oo Wiil Yar oo Ciidanka Bileysku ku toogteen Garoonka Kubadda ee Isguulka Maxamuud Axmed Aw Cali, oo uu dawladda Magtiisii ka soo qaaday, ayey guddidaasi sheegeen in labadii dhinacba kulamo la yeesheen isla markaana ogaadeen in Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir gacanta ka geliyey magtii Marxuunka dhintay Aabihii Wiilkaasi dhalay oo wax meel kale la mariyey iyo lacag cidi cuntay toona aanay jirin isla markaana ay arintaasi iyagu dhameeyeen oo soo afjareen.
Guddidan Madax dhaqameedka iyo Culimadda ka koobneyd isku xilqaantay muranka dadkii Eedeymaha u jeediyey Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir ee hore u sheegay in uu lacag mageed ka leexsaday, ayaa shir Jaraa;id oo ay shalay hargeysa ku qabteen waxay halkaasi ka sheegeen in uu xooga is faham waa ah oo keenay in hadal aan fiicneyn warbaahinta loo mariyo Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir ay ka xun yihiin isaguna uu dedaal badan oo isku xilqaamay ka galay sidii uu magtaasi Wiilka Marxuunka ahaa ee deegaankiisa ka soo jeeda uu dawladda uga soo qaadilahaa, isla markaana uu arintaasi ku guuleystay gacantana ka geliyey Magtii uu dawladda ka soo qaaday Waalidkii Wiilkaasi dhalay gaar ahaan Aabihii Marxuunkaasi dhalay.
Caaqil Cabdirisaaq Maaxamed Askar oo ka mid ahaa guddidii Shirka Jaraa’id qabtay eek a hadlay murankaasi ay soo afjareen ee Caaqil Rashiid Jaambiir iyo xubnaha eedeynta u jeediyey ka hadlay waxa uu yidhi “Arintaasi oo ka dhaxaysay Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Daa’uud Maxamd Ismaaciil iyo Beesha Yoonis Adaraxmaan arintaasi oo hore si qaldan Warbaahinta u gashay waayo dhaqankeenu waxa ay aheyd hadii cidi Caaqil ama Suldaan waxka sheeganeyso in gogol layskugu yimaado oo lagu dhameeyo wixii tabasho ama cabasho jirta, arintaasi markay dhacday ee warbaahinta gashay guddidayadan ayaa dhex galay oo labadii qoloba waanu soo fadhiisanay, arintuna wixii lagu eedeeyey Caaqil Rashiid Maxamed Rashiid may noqonin, kolka waxaanu cid walba u sheegaynaa ama dawladdii laga soo qaaday ha noqoto ama dadweynihii warkaasi gaadhay ha noqoto in aanu Caaqil Rashiid Jaambiir waxba hantidda ka qaadanin, kolka imika waxa warbaahinta nagu kalifay maadama oo Caaqilkan warbaahinta laga sheegay arinta aanu waxba lacagtaasi Magta maatiddu leeday aheyd aanu waxba ka leexsanin cid kastaana sidaasi u ogaato
Caaqil Maxamed Xirsi Faarax oo ka mid ah Oday dhaqameedkii guddida oo Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “ Horti midi waa waano guud ee Somaliland madaxdeed , Salaadiinteeda iyo Oday dhaqameedkeeda iyo Bulshaddaba waxaanu ku waanineyna in aan warbaahinta laysku marinin hadalo sharafka iyo Cirdiga qofka waxyeelaaya ama lagu dilaayo oo taasi ceeb weeye xag ALLE-na waa arin Cawaaqibkeeda leh, isla markaana salaadiintana waa in la xaq dhawro oo aan hadalo sharaf dil ah Media-ha loo marinin, wixii mag iyo arimo doceed iyo wax la mid ah maanta dabadeed aanay dhicin in warbaahinta laysku mariyo, tan kale arintii aanu isku xilqaanay waanu dhameynay oo isku dhac ayaa yimid kaasi oo dhexmaray Suldaan Cawil iyo Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir arintaasi oo ku saabsaneyd Mag Wiil Marxuun ah oo gacanta Ciidanka ku baxay oo la sheegay in uu dawladda ka soo qaaday, arintaasi murankeedi wada qaldan ayey martay oo warbaahinta ayaa hadal laga sheegay, arintaasi imika waanu dhamaynay kaliya waxaanu imika ka hadlaynaa waa in Laba Iyo Tobanka Kun ee Doolar ee Marxuunka dhintay magtiisa aheyd ee lagu eedeeyey Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir markii aanu doodii qaadnay ee aanu xogogaalkeedii qaadnay waxa dhaxalkaasi gacan laga geliyey oo lagu wareejiyey cidii dhaxalka xaqa u la hayd ee aabihii ka midka ahaa oo adigu odayaashii iyo Eheladii uu marxuunku ahaa in uu Caaqil Rashiid u dhiibay lacagtaasi ayaanu ogaanay, oo hadalkaasi hore u baxay wax aan jirin ayuu noqday marka xaqiiqadii loo noqday
Xubno kale oo ka tirsan guddidan isku xilqaantay ka garnaqida murankan u dhexeeyey Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir iyo Xubno ku hadlaayey afka Qoys eedeymo warbaahinta u mariyey in uu lacag mageed ka lunsaday, ayaa guddidaasi waxay sheegeen inay labada dhinacba si fiican u dhegeysteen isla markaana garawsadeen in si aan ku talo gal aheyn Caaqil Rashiid Jaambiir hado aan qaban warbaahinta loogu mariyey isla markaana ay ka xun yihiin cid kasta oo hadaladaasi warbaahinta laga yidhi ee Caaqilka sharaftiisa aan qabani gaadheen hadana laysla qaatay in si tolnimo leh arintaasi loo soo dhameeyey cid way waxka maqan yihiin iyo cid lacag laga haysto toona aanay jirin Waalidkii marxuunka dhalayna ay Magtii Wiilkooda haystaan.