“Reerkayagu Muu Dooran Maayarka Ee reer Hargeysa Ayaa Doortay, reer Gaar Ahina Ma Cambaarayn Karo Oo waa Deel-qaaf”
Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Ayaa xalay niskii dembe kala diray guddi uu 3 bilood ka hor u magacaabay ku meel gaadh oo hawl-qabadkoodu ku koobnaa qaban-qaabada shirweyne ay beelaha Daa’uud Ismaaciil [Ciidagale] isugu yimaadaan, hase yeeshee ka fallaagoobay siyaasaddii iyo qorshihii loo unkay. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku kala firdhiyey gudidan laba arrimood oo ay ugu xoog-weyntahay awoodo aan meelnaba gaadhsiinayn oo guddidani ku adeegsatay magaca beellaha ay metelaayaan iyo hadallo qadaf ah oo ay marar kala duwan hawada u mariyeen maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).
–Maxay yidhaahdeen Gudddida shaqadoodu ka baxsan tahay siyaasadda Ee weeraray Hoggaanka kalsoonida ku dooran ee DDH?
-Maxaa Guddidani ku qoonsatay xubnaha xilalka qaranka u haya ee ay gaarka u suntadeen?
-Maxayse Ka Yeelli doonaan hadalka iyo hawraarta saldanadaysan ee galaaftay xilalkii muddaysnaa ee qaban-qaabada loogu xil-saaray?
Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badanba waxa ka jawaabaysa warbixintan uu tifaftiraha guud ee HUBAAL Media Xasan Xuseen Keeefkeef uu ku soo koobay silsilda weerarkii, waxsheeggii iyo waannaddii ay dhinacyada kala duwan ka saamaysan qaddiyadani, waana tan ee dhugasho haboon:
Saddex xubnood oo kamid ah guddi ku meel gaadh ahayd oo lagu dhisay shirweyne duco iyo alla bari ahaa oo saddex bilood ka hor la isugu yimi deegaanka Halleeya ee duleedka Caasimadda Hargeysa ayaa shalay waraysi ay gaar u siiyeen mid kamid ah Telefishannada maxalliga ah ee Somaliland ka hawl gala waxa ay ku doodeen in iyaga oo wakiil ka ah beeshooda ay kalsoonidii iyo taageerradii kala noqdeen saddex mas’uul oo dhalasho ahaan deegaanka Ciidagale kasoo jeeda kuwaas oo ay madaxweynaha kaga dalbadeen in uu wax ka qabto masuuliyiintaas, hase yeeshee aan waxba laga qaban. Waxa kale oo ay haddalo kulkulul oo weerar gaar ahaanneed u muuqday ay hawada u mariyeen guddoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa ahna duqa caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), iyaga oo sababta ugu weyn ee eedayntooda ay ku cabireen aamusnaan iyo hawl-qabad yaraan ku eedeeyeen iyo in ay hoggaamintiisu u kala sed buriso degmooyinka caasimadda.; hadaba Suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo xalay waraysi kooban siiyey togaherer.com ayaa ka hadlay arrintan
“Caawa [xalay] halkan waxaan ka soo jeedinayaa hadal raalli-gelin ah [Apologize] ah oo madaxda xukuumaddu magacawday ee beesha Ciidagale kasoo jeedda ku socota, taas oo ka jawaabaysa ragga leh beeshayada wixii xukuumadda kaga jira waxaanu kala noqonay kalsoonidii, waxaan leeyahay dee marka horeba idinku madaxdaas kalsooni maydun siinin ee madaxweyne ayaa xulay oo soo doortay, raggaas madaxweynuhu golihiisa beel ahaan ugumuu soo darin ee qaran ahaan ayuu ugu daray, ee halkee bay kuwaas hadlayaa ay kalsoonida ku siiyeen madaxdan. Ugu horeyna arrinkaas fool xumadiisa waxaan ka tacsiyeynayaa oo aan ka raalli gelinayaa madaxda qaranka ee reerkaas [Ciidagale] xukuumadda kaga jira. Mida kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uun baa ku hadli kara ee cid kale oo adeegsan kartaa ma jirto, ciddii afka Suldaanka ku hadasha ee magaca beesha ku matashana waxaan leeyahay oo aan xukuumadda ku guubaabinayaa in ay tallaabo sharci ah ka qaado” sidaas ayuu yidhi Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suld. Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi.
Waxa kale oo Suldaan Maxamed maangaabnimo ku tilmaamay eedaha ay xubnaha guddida ku meel gaadhka ah kamid ahayd ee shalay hadashay ay u jeediyeen duqa caasimada Hargeysa “Marka ay leeyihiin maayarku uma qalmo magaalada, dee horta reerkayagu muu dooran maayarka ee shacbiga reer Hargeysa oo dhan baa dooratay ee ma aha mid aad idinku keensateen” ayuu hadalkiisa ku ladhay suldaanku waxaana uu intaas ku daray oo uu is barbar dhigay maayarkii hore ee Hargeysa iyo Maayarka xilligan oo labadaba ay shacbigu soo doorteen “ Maayarkii hore ee Hargeysa ee tobanka sannadood joogay Waxa uu ahaa Jiciir, welina ummada reer Somaliland erey gef ah kamaanu maqal ay maayar Jiciir ku aflegaadaynayaan kamaanu maqal, laakiin saaka ta aad idinku ka hadasheen waa mid deel qaaf ah ee maayarka Hargeysa iyo golihiisaba waxaa doortay reer Hargeysa, ee reer gaar ahi ma cambaarayn karo”. Wuu sii watay Suldaanka guud hadalkiisa oo waxa uu farta ku fiiqay qoddobo distoori ah oo muwaadinka xaq u siinanaya cabirraada ra’yigiisa iyo hadalkiisa, kuwaas oo geesta kale haddii lagu talax-tago qaran-dumisnimo horseedi kara “dimuqraadiyadda iyo xorriyatul-qawlku dalkeena wuu ka jiraa oo dawladdu way ogoshahay, laakiin waxaa kale oo jira qoddobo distoori ah oo madax dhaqameed ku tumanayo ama qof kale oo dantuu lahaa ay socon wayday uu ku tumanayo, kuwaas oo warbaahinta laga sii daynayo, kolkaas dadka caynkaas ah haddii aan xukuumaddu dabo-gal ku samaynin fool xumo weyn baa ka iman karta”.
Guddi Magacaabisteedu Cadhaysnayd Oo Is Galaaftay Iyo Hoggaan La Il-duufay 3 Bilood Ka Hor Oo Dib U Helay Nabsi-maalkii
Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir, qoddobka labaad ee xalay waraysiga uu bixiyey uu kaga hadlay waxaa mid ahaa
“Beeshani guddi bay lahayd, guddidaas waxaa laga rabaa in ay iyadu soo qaban-qaabiso shirweynihii iyo ergooyinkii iyo salaadiintii sidii distoorka iyo xeerarka beeshu lahayd ina farayeen, waxaanan leeyahay qoladan ahayd kumeel gaadhka leeyahay saddex bilood bay immika mudaddii la idin magacaabay maraysaa oo waxaa la idiin xil saaray qabanqaabada shirweynaha, wax allaale iyo wax u diyaar ah shirkiina ma jiro”. Dhinaca kale waxaa uu suldaanku sheegay in guddida uu xalay kala diray markooda hore lagu magacaabay laab la kac iyo cadho ka dhalatay guddida ka horeysay, hase ahaatee la tabay doorkii iyo kaalintii waxqabad oo la tebey, “horta cadho ka kacday guddida hore ayuun baa dhalisay guddidii lagu doortay Halleeya , laakiin wixii looga baahnaa ee loo diray way qaban waayeen. Runta marka laga hadlana anigu waxaan qabaa in guddidii hore waxa ay bulshada iyo beesha u qabatay cid u dhaantaa aanay jirin oo waxqabadkoodu wax muuqd a uu ahaa”
Dhinaca kale Suldaan Maxamed Cabdillaahi Galaal waxaa uu taageeray hadal kasoo yeedhay suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir, kaasi oo ku wajahnaa guddi wasiirro u badan oo madaxweyne Siilaanyo ku wareejiyey waajibaadkii dawladaha hoose, gaar ahaanna arrimaha dhulka. Suldaan Galaal waxa kale oo uu hoggaanka Golaha deegaanka Hargeysa ka raalli geliyey hadalloo uu deel qaaf ku tilmaamay oo xubno ka mid ah cuqaasha beesha ciidagale ku dureen maayarka caasimadda hargeysa iyo hawl qabadkiisa.
“Suldaan MAxamed waan ku taageersanahay maqaalka jariiraddu ka qortay ee guddida madaxweynuhu dhulka u magacaabay, run ahaanna maynu arag guddidan oo kale waayo Madaxweynaha waynu dooranay, Maayarkana waynu dooranay oo mid kastaa shaqo gaar ah ayuu inoo qaabilsan yahay” sidaa ayuu yidhi Suldaan Galaal, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu digreetadii Madaxweynuhu ku magacaabay guddida dib u habaynta siyaasadda dhulka uu ku sifeeyey mid ka turjumaysa in la kala diray golihii deegaanka ee shacbigu soo doortay, “1969-kii markii Siyaad Barre qabsaday xukunka waxa uu kala diray golayaashii iyo maayarradii magaalooyinka, isaga ayaanna markii dembe soo magacaabi jiray Maayarrada intii kacaanta, laakiin nin lasoo doortay ayaa kala diraya nin kale oo la soo doortay taasi ma soconayso. Meelana sharciga kagama taallo”.
Waxyaabaha kale ee Suldaanku ka hadlay waxaa ka mid ahaa xubno adeegsaday magaca beeshiisa oo muddooyinkii u dembeeyey saxaafadda ka dhaliilayay hawl qabadka duqa caasimadda iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo ku eedaynayay in uu u kala sed buriyo degmooyinka kala duwan ee caasimadda. Kuwaas oo xalay niskii dembe uu suldaanka guud kala diray “ arrintaa ay ku kaceen nimankaas odayaasha ahi waan ka xaal marinayaa, waxaanan leeyahay maayar xaal qaado. Hawl qabadkaaga iyo sida aad wax u waddona waa mid shacbiga reer Hargeysa ay ka wada dheregsan yihiin. Nimankaas odayaasha ahna waxaan leeyahay wixii aan idiin xil saarnay may ahayn inaad maayarrada wax ka sheegtaan ee guddi qaban qaabo oo shirweynaha beesha loo xil saaray qabsoomidiisa ayaa aydun ahaydeen ee goor maad awoodahan aad ku baanaysaan yeelateen?. Waxaanan idiin sheegayaa inaan suldaanka guud ku taageersanay go’aanka uu caawa [xalay] idinku kala diray”.