Maxay Tahay Farogelinta Aanay Bulshadu Ka War Haynin Ee Khusaysa Miisaaniyadda Dawladaha Hoose
Hargeysa:(Hubaal)-Guddi-hoosaadka golaha wakiillada Somaliland, ayaa si weyn walaac uga muujiyey lacagta miisaaniyadda ugu jirta Dawladaha hoose iyo sida aan cidina u daba gelin hannaanka loo isticmaalo Lacagtaas ay sida sanadlaha ah u helaan. Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee wakiillada Md Cumar Sanweyne oo shalay warbixin dheer oo arrimaha miisaaniyadda la xidhiidha golaha ka horjeediyey, ayaa golaha usoo jeediyey sida baahida loogu qabo in farogelin heer gole ah lagu sameeyo miisaaniyadda Dawlaha hoose, isagoo farta ku fiiqay sida ay u qarsoon tahay nidaamka takri-fal ee lacagta dawlaha hoose loo qoondeeyey,“Dawladda Hoose miisaaniyad uun baynu aragnaa aad u faro badan, wax alla wax ka war hayaana ma jirto oo goluhuna kama war hayo annaguna kama warhayno.”ayuu yidhi Xildibaan Cumar Sanweyne. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa codsaday in guddida dhaqaalah awood loo siiyo inay warbixin la xidhiidha miisaaniyadda Dawladaha hoose muddo kooban ku keento, waxana uu sharci darro ku tilmaamay tacrifadaha ay Dawladda hoose sida joogtada ah u korodhsato, waxana uu yidhi,“Guddidu waxa ay soo jeedinaysaa in Guddida dhaqaaluhu u madax bannaanaato miisaaniyadda Dawladaha hoose inay warbixin kaga keento muddo saddex ilaa afar bilood ah oo golaha soo hordhigto, waayo tacrifadda ay kordhiyaan iyo hawlaha ay galayaan war looma hayo Distoorka qoddobkiisa 55-aad waxa uu odhanayaa tacfirad waxa ogollaan kara oo kaliya Golaha wakiillada, markaa Dawladda sharciga ay tacrifadda ku kordhinayso maan garan, waana farogelinta Miisaaniyadda Dawladda hoose laga dhigaa Go’aan gole.” Waa markii ugu horraysay ee mudanayaasha aqalka wakiilladu wax iska weydiiyaan arrimaha miisaaniyadda gaarka u ah Dawlaha hoose, iyadoo sanad walba kor loo qaado lacagaha dawladaha hoose loo qoondeeyo xilli uu hoos usii dhacayo adeegga ay bulshada u hayaan.