“Guddida Ilaalinta habsami u socodka kaadhqaybintu waxaa ay Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI Farayaan Inay ku ekaadaan xayndaabka sharcigu u ogol yahay”
Hargeysa (Hubaal) Guddida Anshaxa iyo ilaalinta habsami u socodka kaadhqaybinta ee komishanka doorashooyinka oo shalay war saxaafadeed ay ku saxeexan yihiin kasoo saaray magaallada Hargeysa ayaa digniino culus u diray labada xisbi ee WADDANi iyo KULMIYE oo ay ku eedeeyeen in ay baal mareen heshiiskii anshaxa kaadh qaybinta ee ay wadajirka u saxeexeen saddexda xisbi iyo komishanku kaasi oo axsaabta ka reebayay inay ka tallaabaan xayndaabka xeerku qeexayo inta ay hawsha kaadh qaybintu socoto. Warsaxaafadeedkan oo ka koobnaa qoddobo kala duwan ayaa ay guddidu soo saareen kadib markii ay dhawaan dacwad ku saabsan olole ay labadaasi xisbi ka bilaabeen gobolka todheer u gudbiyeen masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa waxaa ay digiin kama dambays ah guddidu u direeen masuuliyiinta xisbul xaakimka iyo xisbiga WADDANI. Warsaxaafadeedkaas oo Wargeyska HUBAAL nuqul kamid ah helay waxaa uu udhignaa sidan:
Warsaxaafadeed
Guddida anshaxa ee ilaalinta hab sami u socodka kaadh qaybinta [Monitoring Board] iyagaoo:
- Sida ku cad xeerka hab dhaqanka xisbiyada ee kaadh qaybinta ee xisbiyada iyo komishanka doorashooyinku kala saxeexdeen April 20017;
- Iyagoo ogsoon in xeerka hab dhaqanku ka kareebayo xisbiyada inay sameeyaan olole ka hr waqtiga doorashada ee sharcigu jideeyey iyo in ay adeegsadaan hadalo xanaf leh oo bulshada kala kaxaynaya.
- Kadib markay arkeen qoddobada xeerka hab dhaqanka muddada kaadh qaybinta qoddobkiisa 7aad, farqadiisa 13aad, 14aad, iyo 15aad.
- Markay darseen ficillada labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ay ka wadaan deegaannada gobolka Togdheer.
- Iyo cabashada xisbiga UCID ee summadiisu tahay Ref /UCID /XDH /270 /2017 ee 09 /07 /2017.
Kadib markay darseen guddidu arrintaasi kana baaraan degeen waxay farayaan xisbiyada siyaasadda ee KULMIYE iyo WADDANI inay joojiyaan ololaha sharciga baal marsan ee ay ka wadaan gobolka Togdheer iyo deegaannadiisa, isla markaana ay ku ekaadaan xayndaabka sharcigu u ogol yahay, iyaga oo tallaabo adag laga qaadi doono haddii ay u hoggaansami waayaan si waafaqsan xeerka anshaxa.
Wa billaahi tawfiiq
Sucaad Ibraahim Cabdi………Guddoomiye
MAxamed Cabdillaahi Bootaan……..Guddoomiye ku xigeen
Cabdiqaadir Cismaan Xirsi…………….Xoghaye
Aadan Xuseen Muxumed…………….Xubin
Cali Aadan Samatar…………..Xubin