Guddida Daba-galka Iyo Ilaalinta hantida Qaranka Oo soo bandhigay Carqaladayn Iyo Dibin-daabyo Ay Hantidhowraha Guud Ee Qaranka Ka Tirsanayaan
“Waxaanu Baadhnay Oo ay Shaqadayadu U Fadhidaa Muran Badan Oo Jira Oo Hanti-dhowruhu Kow Ka Yahay, Waxaana Aanu Ogaanay Oo Aanu Madaxweynaha U Gudbinay In…”- Xil. Maxamed Cali Xirsi
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Guddida Baarlamaanka Somaliland u qaabilsan Maamul-wanaagga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Md Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), ayaa daaha ka fayday carqaladayn iyo dibin-daabyo baahsan oo uu Hanti-dhawraha guud ee Qaranku ku hayo Tallaabooyinka la doonayo in lagula dagaallamo Arrimaha Musuqa oo tiir-dhexaad u ahaa Ballamihii madaxweyne Siilaanyo Kursiga ku fuulay. Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo maalintii shalay ka Hadlay munaasib lagu xusayey maalinta la dagaallanka musuq-maasuqa, ayaa tilmaamay in caqabada kali ah Guddidiisa iyo ciddii kale ee utafo-xaydata dagaalka ka dhanka ah musuqa ay tahay Hanti-dhawraha Guud ee qaranka Mudane Maxamuud Dheere, kaas oo uu tilmaamay inaanu ogolayn in musuqa la dabar jaro. Waxa uu sheegay inuu Hanti-dhawruhu hor istaagay xogaha muhiimka u ah shaqada Guddida Baarlamaanka u qaabilsan La Dagaallanka Musuqa iyo ilaalinta Hantida qaranka, isagoo sidoo kale nasiibdarro ku tilmaamay tallaabo Baarlamaanka laftiisu hoos ugu dhigay Awoodaha Guddida xukuumadda u qaabilsan la dagaalanka musuq-maasuqa,“shaqadayadii waxay u fadhidaa muran badan oo jira oo Hanti-dhawruhu kow ka yahay, kaas oo ku saabsan waxa aanu helayno iyo waxa aanaan heli karin, Hay’adda Maamul-wanaaganna waxan ku ammaanayaa in Warbixin kasta oo ay qoreen inay na siiyeen, waxase nasiibdarro ah in Hay’addaas la fadhataystay oo taasi qayb musmuqsmaasuqa kamid ah noqotay oo aanu Baarlamaan ahaan Kow ka noqonay oo shaqadeedii kusoo koobnay inaanu kusoo koobno wakhtiga shaqada lasoo galo iyo wakhtiga aan lasoo gelin oo maanta aanay jirin wax ay musuqmaasuq kaga jiraan.”ayuu yidhi Xildhibaan Obama. Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray,“Intii aanu shaqaynaynay waxanu baadhnay in Hanti-dhawruhu sidii loo baahnaa uu u shaqeeyey iyo inaanu u shaqaynin, waxana aanu ogaanay inaanu Hanti-dhawruhu sidii loogu talo galay u shaqaynin oo aanu madaxweynaha u gudbinay, waana warbixin jirta oo aan la qarin karin.” Mudane Obama waxa uu caddeeyey inay baarlamaan ahaan xaq u leeyihiin inay ogaadaan arrimaha Hoose ee Hay’adaha xukuumadda, isagoo intaas ku daray in xataa Madaxweynaha looga baahan inuu arrimaha qaar Baalamaanka waxbadan kala socodsiiyo, waxana uu yidhi, “marka aanu Baarlamaan nahay xaq baanu u leenahay inaanu waxkasta ogaanno, xeerarka inoo yaalana waxa laga yaabaa inuu meelo u baahan yahay in dib loo eego, madaxweynaha ayaa xattaa looga baahan yahay inuu xataa go’aamada uu gaadhayo ogaysiiyo, iska daa Hay’adaha ka hooseeyee.” Xildhibaanku waxa uu ammaanay tallaabada madaxweyne Siilaanyo ugu yeedhay Haya’do badan oo Dawladda ah, kuwaas oo Warbixintii Guddida uu guddoomiyaha ka yahay dhawaan soo saartay Su’aalo badan gelisay habka ay u maamulaan Maaliyadda ay gacanta ku qabtaan madaxdoodu, “Baarlamaan ahaan waxanu aad iyo aad ugu farax sanahay in madaxweynaha loo gudbiyey warbixintayadii oo kaga jawaabay kulamo uu la qaatay Hay’adaha dawladda oo ay ku jireen Wasaaradaha Warfaafinta iyo waxbarashada, annagoo rajaynayna inuu kuwa kalena la kulmi doono.”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.