Hargeysa (Hubaal) Guddida ilaalilnta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland iyo masuuliyiinta wasaaradda macdanta iyo tamarta ayaa kullan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada. Kullankaas oo ay kaga hadleen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan labada dhinacba.
Guddoomiyaha dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka oo ka dib warbaahinta la hadlaya ayaa ka waramay waxyaabihii ay kawada hadleen “waxanu dib u bilownay xog iswareysi sidii guddidu ahaan jirnay, kadib markii aanu soo saarnay warbixintii gobollada, waxay guddidu la noqotay inay dib u aragto Laba iyo labaatan wasaaradood, aanu ilaa immika aragnay Lix ilaa Toddoba, waxaanu dhamayn doonaa hadii Alle yidhaa Wiiga dambe Dhammaan inaanu aragno. Waxa halkaa kasoo bixi doonta wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo aanu hore u aragnay iyo kuwa immika aanu arki doono Report inta sida aanu ku ballan qaadnay intaanay bishu Dhammaan, aanu soo dhigi doono” ayuu yidhi
Dhinaca kale wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa isna dhinaciisa ka warbixiyey waxyaabihii ay kawada hadleen guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka, waxaana uu yidhi “runtii kullaan aad iyo aad u qaaliya ayaanu la qaadanay guddida oo aanu ugu waranay, wixii xo gee ay nooga baahnaayeena waanu siinay, waxyaabo aanaan immika sidina waanu uga ballan qaadnay inaanu sida ugu dhakhsaha badan ugu keeno, is-afgarasho iyo is-fahan fiican ayaa annaga iyo guddidaba naga dhex dhacay, sida uu guddoomiyaha guddiduba uu sheegay shaqo qaran buu gudigu hayaa oo dastuuriya, aa aanu maalintan maanta ah aanu ku taakulaynayno wixii macluumaad ah ee ay nooga baahdaan inaanu kasiino. Waxaanse saxaafadda faraa inaanay turjumin waxyaabaha iyo hawlgalada ay guddidu ku jirto ee ay ugu jirto hawshooda dastuuriga iyagoo gudanaya, oo aanay si kale oo u dhigin wax kalena ku sheegin warbixinta ay guddidu soo saarayso, oo ay ka waantowdo saxaafaddu arrintaas.” Ayuu yidhi wasiir Xuseen Cabdi Ducaale