Ceel Sheekh (Hubaal) – Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD ayaa shalay Kormeer ku soo maray jidkaasi ilaa deegaanka Ceel Sheekh oo uu ka socdo wejiga labaad dhismaha Jidka isku xidhaya Hargeysa, DAWGA-CAD ilaa Ceel Sheekh.
Guddida oo ay wehelinayeen Xubno ka mid ah Qurba-joogta gacanta ka geysta dhismaha jidkaasi ayaa markii ay gaadheen Ceel Sheekh waxay baaq u soo jeediyeen shacabka reer Somaliland, kaasi oo ku wajahnaa inay gacan ka geystaan dhamaystirka jidkaasi oo muhiim u ah guud ahaan isku socodka Somaliland.
Jaamac Yuusuf Kaahin oo ka mid ah Xubnaha Qurba-joogta ah oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu joognaa Ceel sheekh, annaga sooo marnay DAWGA-CAD oo aad iyo aad loo hagaajiyey, waxaanuna soo soconay wakhti aan Saacad dhamayn Hargeysa ilaa Ceel Sheekh, Mahaddaana waxa iska leh ILAAHAY iyo Guddida. Waxa kale oo aan leeyahay Guddidu lacag kuma qaataan ee dar ILAAHAY ayay u shaqeeyaan ee innaguna (dadweynaha) aynu dar ILAAHAY Sadaqada aynu ula baxno”
Jaamac oo sii hadlaya ayaa farriin u diray Qurba-joogta Somaliland “Qurba-joogta waxaan leeyahay aad u soo dedaala, dadka kalena dhiiri-geliya” ayuu yidhi.
Xubin kale oo ka mid ah Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan baaq u dirayaa dhallinyarada Jaadka Cunta ee Hargeysa, waxaan leeyahay walaalayaal maalin kaliya qaadka ka Sooma oo jidka Ugu Tabaruca. Waayo waddada oo Ceel Sheekh oo ah 105KM waalla baneeyay, laakiin waxa hadhay biriijyadii iyo hawshii ugu cuslayd, markaa waxaanu leenahay halla soo dedaallo ayaan leeyahay way dhamanaysaaye”
Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo isaguna ka mid ah Guddida ayaa yidhi “Waxaanu ILAAHAY ka baryeynayaa inuu inoo dhamaytiro jidka inta noo hadhsan”
Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa xusay in hawl weyn oo dhismaha Jidkaas ahi dhamaatay, hasa-yeehee ay wali dhiman tahay hawl culus “Waxaanu halkan u nimid inaanu soo indho indheyno Waddada DAWGA-CAD, waxa qabsoomay iyo waxa aan wali qabsoomin, hawsha laga qabteyna aad iyo aad bay u badan tahay, hawsha hadhayna aad iyo aad ayay u badan tahay. Waxaanu doonaynaa in meel ba meesha ay ka adag tahay aanu wax ka qabano, haddii waxa aanu haynaa noo saamaxdo, idinka iyo ILAAHAYna waanu la kaashaneynaa”
DAAWO MUUQAALKA WARKAN