Guddida Dhismaha SHULAAC Stadium Oo Ka Hadlay Kharashka Loogu Daray Miisaaniyada Iyo Ahmiyada Garoonkaasi Da’yarta U Leeyahay

0
75

shulaac-stadium

Hargeysa (Hubaal) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo Guddida dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Shulaac Stadium ayaa ka hadlay Ahmiyadda garoonkaas u leeyahay da’yarta Somaliland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu wuxuu sheegay in Qaranka Somaliland u baahan yahay dhismaha Garoonka Shulaac, maaddaama buu yidhi dhallinyarada tirada badan ee ku dhaqan degmooyinka Caasimaddu u baahan yihiin Garoomo badan oo Kubadda ku ciyaaraan.

Agaasime Dhabbeeye oo ka hadlayey kormeer isaga iyo Xubno Wasiirro ah ku tageen dhisme Dan-guud ah oo laga dhisayo Koonfurta Magaalada Hargeysa, ayaa ceeb ku tilmaamay in Shaqo laga dhigto oo suuqa la geliyo Warar lid ku ah Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu xusay inay kaalin laxaad leh ka qaadatay dhismaha iyo dayactirka garoommada magaalooyinka dalka.

Agaasimaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxa suuqa la geliyey oo Shaqo laga dhigay Garoomo uu ka mid yahay Garoonka Shulaac oo laga dhisayo Waqooyiga Hargeysa. Waxaan leeyahay haddii Garoonkii Laascaanood ay dedaal u gashay (Wasiir Samsam) oo la dhigay Roog, ka Boorama la dhigay, ka Berbera la dhigayo, oo kii Hargeysa laga shaqeeyay, Garoonka Shulaac in la dhisaa waa arrin Qaranka Somaliland u baahan yahay, Waayo? Magaalada Hargeysa waxay u baahan yahay Laba, Saddex iyo Afar Garoon ba..”

Dhinaca kale, Guddida dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Shulaac ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Xukuumadda Somaliland uga Mahad-celiyey Masuuliyadda ay saartay Dhismaha Garoonkaasi oo socda.

Guddoomiyaha Guddidaasi Nimcaan Cabdi Cali oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Dhulkan waxa in Garoon laga dhigo lagu dhawaaqay 2009-kii oo ay jirtay Xukuumaddii UDUB. Maayarkii hore ee Hargeysa Eng.Jiciir iyo Qoyska Reer Shulaac ayaa isla gartay in Beerta ay ilma Shulaac leeyihiin laga jaray dhul dan-guud ah, lagana dhigo Garoonkan. Dedaal ay bixiyeen Dhallinyaradu waxa lagu guuleystay in Dhulka Garoonka Shulaac gaadhka laga hayo muddo 7 Sannadood ah, si loo soo gaadhsiiyo halkaa uu Maanta taagan yahay”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here