“Shirkado 35 Ah Baa Wacyigelintaa Ka Qayb Galay Oo Waxaa Ku Guulaystay Lix Wadani Ah”
“Wacyigelintii Komishanku Wey Ibo-xidhan Tahay, Marka Laga Tegi Waayo Aanu Idiin Cadayno’e Waxaa Jirta Wacyi-gelin Aanu Goob-joog Ka Ahayn oo Ay Wadatay…….”
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha guddida doorashada Somaliland Cabdiqaadir Iimaan ayaa markii u horeysay ka hadlay eedo xafiiskooda loogu jeediyey in la leexsaday kaalintii warbaahintu ku lahayd ololaha wacyigelinta doorashada, kaas oo qandaraas lagu siiyey cid gaar ah. Guddoomiyaha komishanka oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa mar ay shaacinayeen diiwaangelin tijaabo ah oo ay sheegeen in ay xafiiskooda ka bilaabeen, waxaa uu sheegay in weli ay hadhsan tahay wacyigelintii komishaku samayn jiray balse ay goob joog ka noqdeen wacyi gelin kale oo uu carrabka ku dhuftay in hay’adi wadatay. Guddoomiyaha oo la waydiiyay eedo la xidhiidha inuu mashruuca wacyi galinta dadweynaha ee saxaafadda la marin jiray siiyay hay’ad iyo ururo gaar ah ayaa sheegay inaanay wali bilaabin wacyi galintii Komishanka, balse ay jirto Hay’adda IOM oo ay siiyeen hanaan wacyi galineed oo ay u soo bandhigtay. “Komishanka doorashooyinka qaranku waxaa uu leeyahay miisaaniyad u gooni ah [budget], shaqo u gooni ah iyo komishaneerro u gooni ah”. Sidaa ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan, guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranku, waxaanu intaa ku daray isaga oo iska barraxaya eedo loogu xidhiidhiyey in ay wacyigelintii codbixinta iyo diiwaangelintaba leexsadeen, “Wacyi-gelin tijaabo ah baanu bilownay immika ee aanu idiin cadayno e wacyigelintii rasmiga ahayd maanu bilaabin, wacyigelinta warbaahintana marar badan baanu ka sheekaynay, haddii laga tegi waayo’se waxaa jirta hay’adda la yidhaahdo IOM oo iyadu wacyigelin wadatay oo weliba wacyigelintaas meel kale la maraysay oo ay annaga noola yimaadeen, markay noola yimaadeenna waxaanu u aragnay maadaama oo aan weli taayadii la gaadhin iyagiina ay doonayaan in ay wacyigeliyaan in aanu jihayno oo aanu meel wanaagsan ku jihayno oo aanu nidhaahno tan baa habboon, lacagtana iyada ayaa lahayd waxaanay ahayd inaydaan dhinac uun waraysan ee aad annagana idinku [warbaahinta] na waraysataan”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu, waxaanu intaa ku ladhay ‘immikana wacyigelintaa shirkado shan iyo soddon ah baa ka qayb galay oo waa la kala saaray oo IOM baa wadatay annaguse goob joog baanu ka ahayn oo waxaanu eegaynay in waxani sax yihiin iyo inay khalad yihiin, sax baanay noola muuqqatay oo waxaa ku guulaystay lix shirkadood oo wadani ah, waxaanse idin sheegaynaa wacyigelintii komishanka doorashooyinku wali way ibo xidhan tahay waananu idin soo bandhigi doonaa.