Guddida Doorashooyinka Oo Soo Saaray Warqadda Muddeynta Maalinta Doorashada Madaxtooyda Loo DAreeri Doono

0
75

Hargeysa (Hubaal)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland Ayaa si rasmi ah u cayimay maalinta ay u qorsheeyeen in loo dareero doorashada Madaxtooyada JSL. Guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka ooay weheliyaan qaar kamid ah xubnaha guddidiisu ayaa shalay kaga dhawaaqay muddaynta maalinta ay u cayimeen doorashada kulan ay xukuumadda kagala wareegayeen wejiga koowaad ee lacagta doorashada lagu qabanayo.

vlcsnap-2017-06-11-00h05m27s249

Guddoomiyaha Komishanka Doorashada cabdiqaadir Iimaan Warsame Oo Hadal uu ka jeediyey madasha uu lacagta kagala wareegey wasaaradda Maalliyada kaga dhawaaqay maalinta ay cayimeen in doorashadu qabsoonto waxaa uu yidhi “Annaga oo ka faa’iidaysanayna fursaddan waxaanu maanta soo saarnay warqaddii cayimaada maalinta ay doorashadu dalka ka dhacayso, maalintaas oo ah 13-ka November 2017-ka, maalintaas oo Isniin ku beegan ayay doorashadu innoo dhicin doontaa insha allah”. Ayuuyidhi Guddomiyaha Komishanku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here