Guddida Hubinta Kal-fadhiga KULMIYE Oo U Quus Gooyey Is-bahaysiga Xisbiga Iyo Nuxurka War-saxaafadeed Ay Soo Saareen

0
30

Hoosta Ka Akhri Magacyada Xubno Beddelaadooda La Diiday, Qaar La Oggolaaday, Tirada Guud ee Golaha Dhexe ee Meelaha ay Ka Yimaadaan

Hargeysa (Hubaal)-Guddidii dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inay Baadhitaan ku sameeyaan cabashooyin garabka Musharrixiinta is-bahaysitay ka Gudbiyeen Habsami-u-socodka shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa soo saaray Natiijo kama-dambays ah oo ay ku caddaynayaan inaanay jirin wax caddaalad darro ah oo liiska Golaha dhexe ku saabsani.

Shir jaraa’id oo Guddidani maalintii shalay ku qabatay Xarunta Aqalka Madaxtooyada, ayey faahfaahin kaga bixiyeen tallaabooyin dhawr ah oo ay qaadeen tan iyo intii xilkaas la saaray, waxana ay caddeeyeen in ilaa iyo haatan aanay haynin wax caddaymo ah oo taageeraya sheegashada Is-bahaysiga Musharixiinta Kulmiye ee la xidhiidha Middi-roortayn ay sheegeen in lagu sameeyey Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga ee dhawaan shirweynahoodu dhici doono.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Komishanka la dagaallanka Xanuunka HIV/aids-ka  Md Cabdikariin Xinif oo kamid ah Guddida Madaxweynuhu arrintaas u xilsaaray oo Warbaahinta u akhriyey nuxurka qoraal ay ku qoran tahay tallaabooyinkii ay guddi ahaan qaadeen si ay uga baaraan-degaan Cabashada Shirweynaha xisbiga kasoo yeedhay, waxana uu tilmaamay inay gacanta ku dhigeen Dhammaanba liisaska Guud ee Golaha dhexe, liiska Tobankii xubnood ee madaxweynuhu magacaabay, midka lixdii xubnood ee Ku-xigeenku magacaabay, midka 23-kii xubnood ee uu Guddoomiye Muuse Biixi Magacaabay, liiska Xubnihii Golaha dhexe ka baxay iyo Qaabkii loo beddelay iyo waliba sawirrada xubnaha Golaha dhexe ee ilaa haatan is diiwaangeliyey.

Mudane Xinif waxa kale oo uu  sheegay inay Guddi ahaan Gacanta ku dhigeen, si weynna u hubiyeen Liiska Xubnaha Golaha dhexe inta haatan joogta iyo inta Maqan, inta la sawiray iyo inta aan la sawirin, iyadoo la hubiyey xubnaha la sawiray iyo sawirradoodu inay is leeyihiin, Golaha Wasiirrada inta Deegaannadooda kasoo gashay Golaha dhexe iyo inta xilkooda ku joogta iyo waliba Golaha Wakiillada inta Deegannadooda kasoo gashay iyo inta xilkooda kusoo gashay.gudiga hubinta khilaafka kulmiye

Mudane Xinif waxa uu sheegay Baadhitaan dheer kadib ay usoo baxeen Qoddobadan soo socdaa,

  1. In tirada guud ee Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ay tahay 390-xubnood, kuwaas oo kala ah sidan,

A.241-xubnood oo deeganadooda kasoo galay.

  1. 10-xubnood oo madaxweynuhu magacaabay.

C.6-xubnood oo madaxweynuhu magacaabay.

D.23-xubnood oo madaxweyne-ku-xigeenku magacaabay.

E.6-xubnood oo Hoggaanka Xisbiga kusoo galay.

  1. 1-xubin oo ah madaxweynaha qaranka oo si toos ah usoo gelaysa.

G.47-xubnood oo xildhibaanada Golaha wakiillada ah oo xilalka ay hayaan kusoo galay.

G.49-Wasiir oo xilalka ay hayaan kusoo galay

I.7-Xubnood oo Guddoomiyayaasha Gobollada ee Xisbiga ah oo xilalka ay hayaan kusoo galay.

  1. Inay isdiiwaan geliyaan, isla-markaana aanu liiskooda helnay 349-xubnood oo kamid ah tirada Xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga.
  2. In aanay is-diiwaangelin 41-xubnood diiwaangelintuna wali socoto.
  3. Inay jiraan Xubno xisbiga ka baxay oo tiradoodu dhan tahay 3-xubnood.
  4. Inay Hal xubin dhimatay, isla-markaana aan wali lasoo buuxin.
  5. In 6-xubnood oo kasoo galay deeganadooda kuwaas oo isugu jira 2-wasiir iyo 4-Xildhibaan oo xubinnamadoodii ugu talo galay inay Banneeyaan, kuna bedelaan inay kusoo galaan xilalka ay hayaan halkoodii ay kasoo galaan xubno kale.
  6. In 3-xubnood oo xisbiga ka Baxay lasoo beddelay, kuwaas oo kala ah.
  7. Cabdikariin Baanday oo lagu beddelay Xasan Nuur Abokor.
  8. Maxamed Axmed Aadan oo lagu beddelay Maxamed Iid dhimbiil
  9. Maxamed Nuur Carraale Duur oo lagu beddelay Maxamed Ibraahim Maxamed iyo Maxamuud Ibraahim Axmed.

8.Hal(1) oo iscasishay sababo caafimaad darteed oo ah Maxamed Yoonis Cawaale, kaas oo lagu beddelay xildhibaan Xildhibaan Cabdilaahi Aw Aadan Maxamed.

Go’aanka Guddida

1.Guddidu waxa ay soo saartay inaan Haba yaraatee aanay jirin wax khalad iyo isdabamarin ah oo ku jirta liiska asalka ah ee Golaha dhexe ee saxeexnaa, isla-markaana sawirrada iyo magacyadoodu is-waafaqsan yihiin.

  1. In Xubnaha kala ah
  2. Maxamed Axmed Aadan(weli-xaawo)
  3. Maxamed Nuur Carraale
  4. iyo Sheekh Maxamud Shugri oo geeriyooday ay jagooyinkoodu sidaas ku bannaanaadaan inta shirku dhammaanayo, maadaama qaabka loosoo beddelay aanu waafaqsanayn Xeerka Xisbiga Kulmiye qoddobkiisa 31-aad faqradiisa 2-aad haddii aan inta shirka ka dhiman lasoo dhamaystirin shuruudaha xeerka xisbigu sheegayo eek a dhiman.
  5. in Xasan Nuur Abokor oo Beddelay Cabdikariin Baanday iyo Cabdilaahi Aw Aadan Maxamed oo Beddelay Maxamed Yoonis Cawaale loo oggolaado inay ka qayb galaan shirka Golaha dhexe loona sameeyo kaadhadhka xubin-nimada, maadaama qaabka loosoo beddelay uu waafaqsan yahay xeerka Xisbiga kulmiye Qoddobkiisa 31-aad faqradiisa 2-aad.

Ayaa lagu soo gunaanaday War-saxaafadeedka Guddidani Meesha kaga saartay  Wax is-dabamarin ay Musharrixiinta Isbahaysatay ka sheegteen Liiska Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here