Hargaysa(Hubaal)-Guddidii Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Munaasibadda 24-Guurada kasoo wareegtay Gooni isutaaggii Jamhuuriyadda Somaliland oo ku Beegan 18-Ka Bisha May ee Soo Socota, ayaa Maanta Kulankoodii ugu horreeyey yeeshay, waxana ay saxaafadda uga warrameen Sida ay ay Hawshoodu u socoto.
Guddidan oo fadhigoodii ugu horraysay Maanta ku yeelatay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay inay diyaarinayaan sidii xus qiimo badan, kana duwan kuwii hore uu dalka ka qabsoomi, doono, isla-markaana shacabka looga baahan yahay inay Nabadgelyada ka shaqeeyaan.
Ugu Horayn Guddoomiyaha Gudidan qaban qaabada xuska maalinta qaran ee 18-ka May Marwo samsam Cabdi Aadan, Ahna Wasiirka maaliyada ayaa shacabka ku dardaartay in Ay ka feejignadaan Cadawga Somaliland dagaalka kula jira,
“Halkan waxaanu doonaynaa inaanu ka sheegno in Maalintan Qaran si mug wayn loogu talo galay in Looga qayb qaato Dibada iyo gudahaba,Qofkii somaliland Ku abtirsadaba meesha uu doono hajoogee inuu siwayn uga qayb qaato Maalintaas miisaanka ay ku leedahay,Gobolada dalka oo dhan waa laga qaban doonaan.Sanadkasta Halku dhiga ayaa la qaataa,sanadkan waxaanu halku dhig uga dhignay markaanu falaqaynay Kooxdayadani waxaanu ka dhignay “Somaliland Dalkayga Doodi Kama Furna”,Umada reer somaliland waxa loo sheegayaa in ay Dabaal Dagaan hadana ilaaliyaan Nabad Galiyada ay awal horeba ilaashan jireen hadana u hawl galeen.” Ayey Tidhi Wasiirka Maaliyaddu Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha somaliland mudane Caddare oo isaguna Xubin ka ah Guddidan, ayaa sheegay in Maalinta 18-ka May ee shacabku muujinayaan Cududooda iyo in Ay yihiin dal Madax Banaan loo baahan yahay in Ay ilaaliyaan Nabad Galiyada Cadawga ku soo dhex dhuumanayana ka feejignadaan iyaga oo ku adag nabada iyo Dawlada wadaag Ay samaysteen.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo Ah xildhibaan ka Tirsan Aqalka Golaha wakiilada somaliland ayaa cadeeyay in Qaranimada somaliland ay tahay Mid Muqadas Ah Gor-gortana Aan la galin Karin,waxaana uu shacabka ugu baaqay in Ay si way Cududooda u muujiyaan inaanay Doonayn Dawlada Xamar.
Wasiirkii Hore Ee wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badaha somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire iyo Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Xaaji ismaaciil Ayaa Si wada jir ah u sheegay in Qaban-Qaabo Sanadkani iyo Xuska 18ka May Aad loo wayneeyo Madaama Oo Aynu sida uu cadeeyay somaliland Caalamka Ka doonayso Aqoonsi Buuxa.
Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka Deegaanka, ayaa shacabka kula dardaarantay inay Nadaafadda ku dedaalaan, isla-markaana deegaankooda ka muujiyaan qiimaha Munaasibadda oo ay qashinka si hawlkarnimo ah iskaga hagaajiyaan.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa isna sheegay in Sanad Guuradani kuwii hore kaga duwan tahay Horumar uu sheegay in Ay gaadhay Xukuumada kulmiye. “Sanad Guuradani kuwii hore waxa ay kaga duwan tahay Horumar Dhinac Wanaagsan ay Xukuumadani ka gaadhay,waxa ay somaliland joogtaa xili aanay Baahi u qabin Carqalada Xaga Sare kaga yimaada Am dibada iyo gudahaba Aanay waxba yeeli Karin,sideed iyo Tobanka May sanad Guurada 24-tanaad ee maanta sida halku dhiga looga dhigay waa somaliland dalkayga doodi kama furna.”
Mudane Cukuse, waxa uu sheegay in Sanadkan la isla gartay in Hoggaamiyayaasha Maalintaasi ay noqdaan Saxaafadda Madaxa Bannaan, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,
“Waxa maanta laydinka doonayaa ee cudud ugu wayni tahay sanad walba ileen qolo ayaa qaadaysa Dabka Sidaysa,Sanadkan Saxaafada somaliland ayaa sidaysa,Kaalinta aynu sanadkan ku jirnaa dhex-dhexaad maaha waa 18-ka may oo qudha.”
Munaasibadda dabaaldegga Sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland Qaranimadeeda dib ugala soo noqotay Koonfurta Somalia, ayaa shacab iyo dawladba loo diyaargaroobayaa sidii loo xusi lahaa, waxana Gudaha iyo Dibaddaba ka socota Qabanqaabada Xafladihii Maalintaas lagu muujin lahaa.