Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyay Shirkadda Ku Guulaysatay Qandaraaska Dhismaha Jeelka Gabiley Oo 33 Shirkood Ku Tartameen

0
82

Shirkadda ku guulaysatay Tartanka qandaraaskan iyo Shirkaddaha Ku Guuldaraystay Oo U Bogay Habka Caddaaladeed Ee Uu U Dhacay Tartankaasi

Hargeysa (Hubaal) Madashan lagu shaacinayay shirkadda ku guulaysatay qandaraaska dhismaha jeelka weyn ee dagmada Gabiley ayaa waxa goobjoog kahaa guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka, xubnaha guddidaasi iyo sidoo kale shirkaddihii tartanka u galay qandaraaskaasi.

Ugu horeyn Agaasimaha guud ee guddida qandaraasyada qaranka Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay hanaankii kala duwanaa ee uu soo maray qandaraaska dhismaha jeelka degmada Gabilay ee ay baahiyeen, waxaanu yidhi;

“Shirkadleyda Somaliland ee u tartamay qandaraaskii Jeelka Gabiley oo tiradoodu ay dhamayd sadex iyo sodon (33) shirkadood. Qandaraaskaasi guddidu baahisay wuxu soo qaatay hab (process), way kala huftay oo kala haadisay, short list kii ugu dambeeyay waxa soo galay sagaal xubnood, sagaalkii xubnood waa lasii kala hufay oo lasii kala haadiyay, saddexdii maalmood ee u dambeeyay guddida qandaraasyada qaranku ku jirtay hawsha in six or iyo xaal ah shirkaddaha look ala saaro, Waxaanay kamadambaystii usoo hadhay afar shirkadood.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo ku dhawaaqay shirkadda ku guulaysatay qandaraaska dhismaha jeelka Gabiley, iyo sidoo kale sababaha ay shirkaddaasi ugu guulaystay, waxaanu yidhi;

“Xaaji Muuse Construction Company, Libaax Construction Company, Bilan Construction Company iyo Dhilayta Construction Company, afartaas shirkadood ayaa isugu soo hadhay tartankii kama dambaysta ahaa. Markii aanu eegnay qalabkii afarta shirkadood, waxaanu ku qanacnay inay hawshaasi ay ka bixi karayso oo tartankiina ku guulaystay shirkadda dhismaha ee Xaaji Muuse Construction Company. Xaaji Muuse Construction Company qalabkiisii haddii ay tahay qalabkii dhismaha iyo qalabkii dhismaha looga baahnaa, Xaaji Ciise waxa uu haystaa ilaa looxii, jingadii, bulikaydkii, sibidhkii, makiimaddii alxankii, tii Almuniumka iyo gaadiidkii, , shirkad kale oo intaas na tustay maanu arkin maanay jirin, sidaas baanan ugu dooranay calafna way ku yeelatay oo ku heshay, maadaama saddexdii shirkadood ee kale aanay soo bandhigin qalabkaasi oo kale.” Ayuu yidhi guddoomiyahu

Dhinaca kale masuul ku hadlayay magaca shirkadda ku guulaysatay qandaarskan ee Xaaji Ciise ayaa soo dhaweyay isla markaasina u mahadnaqay guddida qandaraasyada qaranku hannaanka caddaaladda ee ay ku shaqaynayso. “Berigii hore waxa dhici jirtay inaanay wax caddaalad ahi jirin oo shirkaddo shandad lagu sito ayaa ku guulaysan jiray qandaraasyada, maanta se waa Alle mahadii nasiibkayga iyo caddaaladda ay sameeyeen guddida qandaraasyada qaranka ayaa i siiyay, waanan ku faraxsan nahay.

Geesta shirkaddihii tartanka qandaraaskan lagaga guulaystay ayaa soo dhaweeyay iyagoona hannaanka uu dhacay tartankaasi,iyagoona sheegay inay si caddaalad ah u dhacday, Waxaanay u mahadnaqeen guddida qandaraasyada qaranka oo ay tilmaameen inuu hab hufan oo caddaalad ah u qabtay tartankaasi. “habkani waa mid ugub ku ah Somaliland, waana hannaankii ay mari jireen hay’addaha caalamiga ah, waa sidan oo kale sida maanta laga doonayo Somaliland in nidaamkeeda loo mariyo, waayo dadka waxa deeqda caddaalad ee saaxiib iyo xigto iyo waxaasi ma deeqdo.” Ayuu yidhi masuul ku hadlayay afka shirkaddihii ku guuldaraystay tartankaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here