Hargeysa (Hubaal) guddida mashruuca dawga cad ayaa beenisay war laga qoray oo lagu soo saaray mid ka mid ah wargeysyada dalka ka soo baxa kaas oo sheegayay in khilaaf soo kala dhex galay guddida dhismaha wadada cad. Qoraal kooban oo ay soo saareen gudigan ayaa waxay gebi ahaanba wax aan jirin ku tilmaameen warkaas laga baahiyey. Nuqulka qoraalka ay guddida dawga cad ku beeninayso warka iyaga ku saabnaa ayaa u dhignaa sidan:
Annago oo ah guddida wadada Cad Hargeysa Sallaxley Ina Guuxaa, shirna isugu nimid Maanta 17/06/2015, waxaanu caddeynaynaa in warkii ku soo baxay wargeyska Somalilandtoday cadadkiisii 587 kuna taariikheysnaa 16/06/2015 ee ku saabsanaa in guddida khilaaf soo kala dhex galay, aanu sal iyo raad toona lahayn, yahayna been abuur cad warkaasi, sidaa daraadeed, haddaanu nahay guddida mashruuca wadada Cad , waxaanu u aragnaa warkaasi beenta ah in lagu carqaladaynayo wada shaqeynta ka dhaxeysa dawladda iyo guddida. Gabagabadii waxaanu kula talinaynaa wargeyska Somalilandtoday in ay wax kale ku mashquulaan, maadaama aanay fursadi uga banaaneyn dhaleecaynta guddida wadada cad oo ah guddi ay qirtay bulshada reer Somaliland in waajibkeedii qaran ee xukuumadda lagu aamini jirey ay ka soo baxday.
Magacyada guddida mashruuca dhismaha wadada Cad ee ku saxeexan qoraalka:
Cali Ibraahim Maxamed
Sheikh Maxamed cali Geedi, (ku maqan dibada)
Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir
Caaqil Maxamed Xirsi Faarax
Faysal Maxamuud Xasan
Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo
Xildhibaan Yuusuf Maxamed Guuleed
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
Garaad Mustafe Maxmed Cumar
Cabdiraxmaan cali Xirsi
Baashe Yuusuf faarax
Deeq Cabdi Xasan
Iid Xasan Axmed
Yuusuf Cabdi Jaamac
Guuleed Cismaan Cabdikariin
Saleebaan Xasan Faarax
Mataan gahayr Cilmi