”Qaad-leyaasha Iyaga Ayay Qaadka Iibkiisu Jirtaa Laakiin Meel Mafrish Ah Haddaaanu U Nimaadno Nasteexo Ayaanu Siinaynaa” waxaan leeyahay iibkiisa iyaga ayay jirtaa oo kaas ka hadli mayno laakiin, meel Marfash Ah oo Maalintii qaad lagu cunayo
Hargeysa (Hubaal) Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa shalay kormeeray meelo ka mid ah magaalada Hargeysa oo ay ka hubinayeen in lagu karinayo cunto xaaraan ah. Waxay bulshada ugu baaqeen ka faa’iidaysiga bisha barakaysan ee Ramadaan iyo inay soo sheegaan cidii bulshada u samaynayso cunto xaaraan ah. Guddida oo hawlgalkeeda ku soo qabtay laba qof oo lagu qabtay iyagoo cunto afka ku haya ayaa sheegay in guddi culimo ah heegan la galiyay kuwaas oo inta bishan lagu gudo jiro gaaf wareegi doona magaalada Hargeysa, si aanay u suuro galin dad caadaystay cunto karinta bisha Ramadaan. Guddida ayaa sheegtay in dadka ay ku qabtaan arrimaha aan banaanayn bisha Ramadaan ay marka hore u nasteexeeyaan kuna waaniyaan inay ka waantoobaan balse cidii nasteexaas qaadan wayda sharciga la hor geeyo. ”Qolada Qaad layaasha Ah waxaan leeyahay iibkiisa iyaga ayay jirtaa oo kaas ka hadli mayno laakiin, meel Marfash Ah oo Maalintii qaad lagu cunayo hadaanu u nimaadno nasteexo ayaanu siinaynaa hadii ay diidaan sharciga ayaanu horgaynaynaa,”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida Sheekh Cabdiraxmaan Muxumed Cabdalla. Sheekh Ismaaciil oo ka mid ahaa guddida kormeerka samaysay ayaa sharaxay hawlgalkooda maanta ”Sanadkan aynu maanta joogno ilaa masalaha ilaa haleeya meelkasta waanu soo marnay saaka,gaadhigaas iyo askartaas ayaa wareegayay meel hada sanadkan dab lagu shidayo maanu arag,Nin qayilaya mooyaane cid kale maanu arag kaasna waanu xidhnay,Mid quraax iyo biyo dad dhan oo muslim Ah ku dhex cunaya isna waanu soo xidhnay,waxaanu u sheegaynaa dadka muslimiinta ah qofna gardaro lagu qaban maayo,dad islaam Ah ayaynu nahay ee aynu ilaalino xaraanta”.