Guddida Xal U Helida Sarrif bararka Oo Soo Bandhigay Sababo dhaqan-gelinaya Go’aamada Ay Soo Saareen

0
78

“Go’aamaddii Xukuumaddii Hore Waxay Soo Baxeen xilli ‘Wixii Rah Ah Ee Miyir Qaba U Sheeg] ay xaalladu ahayd, Maantase….”- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland

Hargeysa(Hubaal) Guddida heer qaran ee Madaxweynaha Somaliland dhawaan u magacaabay Xal u helista Sicir Bararka dalka ka jira iyo tayeynta lacagta shilinka ee Somaliland, ayaa ka warbixiyey hawlaha loo xilsaaray ilaa hada halka ay wax marayaan, waxaana guddidu ay beenisay inay Xukuumaddu shirkaddaha adeegyadda lacagaha ee Mobile-da ku dira Caddaadis ku saarayso qorshahan loo xilsaaray iyada oo guddidu dhinaca kale bulshadda ka codsatay inay kaga diyaar garoobaan mudadii 45-ka maalmood ee loo qabtay in la joojin doono in Mobile-ka lagu diro $100 lacag ka yar.

 

Shir Jaraa’id oo Hargeysa ay ku qabteen Guddida xal u helida Sicir Bararka lacagta ee  dalka Somaliland ka jira, waxay sido kale ka hadleen farqiga u dhexeeya guddidii Xukuumaddii hore ee Madaxweyne md Axmed Maxamed (Siillaanyo) u saaray xal u helista Sicir Bararka dalka ka jira iyo Guddidoodan cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u saaray arinta Sicir Bararka  waxay kula duwan yihiin iyaga oo guddidu shacabka ugu baaqday inay ka diyaar garoobaan go’aamadda la soo saaray ee xal u helida Sicir Bararka oo Xukuumaddu fulin doonto mudada la qabtay markay dhamaato.

 

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland md Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) oo ugu horeyn ka warbixiyey u jeedka iyo qorshaha u u xilsaaran yihiin kana shaqaynayaan guddidoodan heer qaran ee madaxweynaha Somaliland u magacaabay  xal u helida Sicir bararka dalka ka jira iyo tayeynta lacagta shilinka ee Somaliland waxaanu yidhi “Qorshuhu waxa weeye in lacagteenii shilinka ee qaranka Somaliland oo dadku isticimaalo oo lacagtii shilinka ee qaranku lahaa la dhiirigeliyo oo horumar lagu sameeyo , talaabooyinkan la rabo oo ay ugu horeeyaan inay fuliyaan Bangiyadda gaarka loo leeyahay iyo Bangiga Ganacsigu oo ah mid ay dawladdu leedahay oo imika la soo wado isagana, waxaana dhawaan aanu qorshaynaynaa in dhawaan lagu dhawaaqi doono Bangiga ganacsiga oo ay leedahay dawladda Somaliland oo noqon doona Bangi gaar u istaagi doona kaasi oo imika ku dhex jira Bangiga dhexe ee dawladda Somaliland”

 

Md Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) oo wax laga waydiiyey go’aamaddii Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siillaanyo Xal u helida Sicir Bararka ka soo saartay ee aan fulin iyo go’aamad xukuumadda cusubi ka soo saartay Sicir Bararka dalka ka jira waxay ku kala duwan yihiin waxa uu yidhi “Go’aanaddani horta hore way u soo baxeen qaarkood , qaarna imika ayaa lagu daray haseyeeshe wakhtiga ay soo baxeen iyo wakhtiga ay maanta go’aanadan dambe soo baxeen waa laba wakhti oo kala duwan, go’aamaddii xukuumaddii hore waxay soo baxeen wakhti aynu doorasho ku jirnay oo wixii rah ee miyir qababa ee lala hadlo adba sheeg ayey ahaayeen go’aanaddii xal u helida Sicir bararka dalka ka jira ee xukuumaddii hore markii hore soo saartay, laakiinse maanta waa dawlad cusub qodobaddana sidooda ayey u hirgelayaan, waxaynu shacab ahaan iyo dawlad ahaanba inta badan raadina waa Ictiraafka Somaliland sida darteed calaamaadka calaamadaha somaliland aynu Ictiraafkeeda ku raadineyno waxyaalaha aynu leenahay ee sida Dastoorka, Calanka , Madaxweynaha, Baasaboorka, Baarlamaanadda iyo Lacagta shilinka Somaliland ee ka mida waxyaalaha aynu sameysanay, ayaa dalkeena muwadiniintiisa waa in ay ku faanan calaamadahaasi iyo astaamaha qarankoodu leeyahay, sida darteed waxa laysla gartay in lacagtii shilinka ee Somaliland meel loo sameeyo oo adeegyaddii shirkaddaha E-DAHAB iyo ZAAD-ka laga saaro wixii $100 dollar ka yar ”

 

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha ee Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi oo isagu faahfaahin ka bixiyey qodobadda hawsha ay u xilsaaran yihiin ee ay ka shaqaynayan  guddida heer qaran ee Xal u helida Sicir bararka iyo tayeynta lacagta shilinka ee Somaliland waxaanu yidhi: “ waxaanu doonaynaa inaanu idin sheegno in barnaamijku uu barnaamij balaadh ahaa, oo si balaadhan loo daraaseynayey ama aanu dib u eegis ku samaynaynay siyaasadda lacagta ee saameynta ku leh dhaqaalaheena, waxa ka mid ahaa in la eego sababaha keenay inuu shilinka Somaliland hoos u dhaco waxaa laysla gartay qodobbo door ah oo lagu adkeynayo sidii uu shilinka Somaliland qiimihiisa u yeelan lahaa, sideedaba ummad waliba lacag ay leedahay ayay isticmaashaa, laakiin waxa innaga inoo gaar ah lacag kale oo maanta ka isticmaal badan sida muuqata lacagteenii inay barbar socoto, hadii laba lacagyoow ay iskugu yimaadaan dhaqaalaheena waxa laga yaaba inay mid uun laga xoog bato waxaanay kaliftay inuu dollarku maanta inuu rogto shilinkeenii oo uu ka xoog batay sababtuna ay tahay inuu isticmaalkii shilinku yaraaday wax kastana dollar lagu macaamilayo.” “waxaanu eegnay in la adkeeyo xidhiidhka hay’addaha dawladda u qaabilsan lacagta iyo maamulisteeda oo ka mid yahay Baanka Dhaxe oo ay ka mid tahay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ay ka mid tahay Wasaaradda Ganacsiga, waxaanu daraasayney qaababka ka dhaqan gala Baanka iyo Maaliyadda dhexdooda taallo hawlo badan oo ay u baahan tahay inay waddadii ay lahayd qaadsiyaan oo laysla eegay oo ay ka mid tahay siyaasadda lacagta iyo sidii Baanka iyo Maaliyaddu nidaam lacageed oo ay ka midaysan yihiin loo raaci lahaa.” “waxaa ka mid ah cashuuraha aan daruuriga ahayn ama waxyeelo ba u leh  caafimaadka iyo dhaqaalaha sidii dib loogu eegi lahaa, korna loogu qaadi lahaa iyadoo la rabo in istimaalkoodu xadidmo”

 

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo isaguna ka mida Xubnaha guddida heer qaran ee xal u helista Sicir bararka oo halka ka hadlay waxa uu beeniyey inay Xukuumaddu dagaal kula jirto ama caddaadis ku saarayso hawshan ay u xilsaaran yihiin Shirkaddaha Mobile-da lacagaha ku dira waxaanu yidhi “Ujeedada ay lacagta Mobiladda (Electric Mobile Money System) layskugu diro ay dawladdu ka leedahay waxa weeye in aynu ku isticimaalo Shilinkeena iyo in aynu dar dargelino isticimaalka lacagta shilinka ee Somaliland , Baanka dhexe ee Somaliland-na wuxu wada sharcigii lagu kala xadaynaayey oo imika gacanta lagu hayo oo soo bixi doona maalin dhaw , waxa kale oo iyaduna soo socda nidaamkii lagu Xalilaayey Shirkadda Isgaadhsiinta, waxa kale oo soo socda iyaduna in loo kala sameeya Xad , marka si guud taas weeye ujeedadu, balse maaha ujeedadu in la joojiyey lacagtii lagu isticimaalayey Mobile-ada ama shirkadihii Xawiladdaha lacagaha ee waxaynu bedelay Shiling , waxa kale oo aan dooneynaa xaga xawaaladdaha oo xawaaladuhu hadii ay dibadda ka imanayso dee lacagtu way ku soo dhici oo ta la ma joojin, laakiin waxa la sameynayaa lacagta markay qofka dibadda looga soo diray u soo dhacdo inta uu ubedesho shilinka Somaliland uu shilinkii ku isticimaalo nolol maalmeedkiisa”

 

Ugu dambeyn waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Somaliland waxaanu yidhi: “ in dhawayd waxa suuqa socday waxa la weeraray adeegyaddii Zaadka iyo E-Dahabka ee weerar maaha ee waxay talladu aheyd in waddanka lacagtiisii faraha ka baxday dadkeeniina ay dhaqan u noqotay in lacagta qalaad ee dollarka ay isticmaalaan, qiimo dhacna sidaas ugu yimi lacagta Shilinka Somaliland, Sababo badan  ayaa keenay qiimo dhaca waad og tihiin halkay xoolihii taagan yihiin, waad ogtihiin lacagta ina soo gashaa ay ugu badan tahay maanta dadkeena jooga dibadda inay iyadduna qaado dariiqaa ilaa itoobiya,sidaa la ajligeed waxa ay noqotay haddii shilinkeenii halkaas marayo bal sababahiisi in la baadho, sababahii waxay noqdeen kuwo aan si yar oo degdeg ah oo dhib yar aan guul looga gaadhi karin iyo kuwo si degdeg ah wax looga qaban karo, Xoolihii wey baxeen suuq raadin waa inaynu sameynaa waa in lacagta ugu badan ee waddanka soo gasha ee Dollor-ka ahi waxay ka iman jirtay Xoolaha, Waddan-na had iyo jeer lacagtiisu waxay ku qiimaysan tahay wuxuu dhoofiyo iyo waxa uu soo dhoofsaddo.”

 

“ Zaadka iyo E-Dahabka wax kale umaanu taargid garayn dhadhankii dadku u qabay lacagta shilinka ee astaantooda ahayd ee ay waddaninimadoodu ku jirtay ayaa farahaba ka baxday, waxaanu gaadhney waddan heer ka xoroobay lacagtiisii, Zaadka iyo E-Dahabka kuwa bixiya oo kaliya maaha sababta ee ninkii wax iibinayey isagii baa Dollar raba lacagtiisi wuu ka soo hor jeeda kii wax iibsanayeyna waxay ku kaliftay inuu Dollar istimaallo, markaa lama hadlayno kan service-ka bixinaaye ee waxaanu la hadlaynaa shacabka Somaliland waa inay ogaadaan lacagtooda inay qiimahooda tahay, haddii ay lacagtooda qiimayn waayaan waxay la mid tahay astaanta calanka”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here