“Guddidan Waxa Ku Jira Kuwo Dhul Doon Ah Oo Haddaan Xeer Loo Samayn Noqon Doona Hangool Ku Boob Ee Madaxweyne Arrintaas Wax Ka Beddel”

0
79

GUDAHA KA AKHRI: Waraysi Uu Suldaanka Guud Ee Somaliland Ku Naqdiyey Guddida Wasiirrada Ah Ee Madaxweynuhu U Magacaabay Siyaasadda Dhulka

“Guddida Qaar Ka Mid Ahi Waa Daacad Balse Waxay Ahayd In Marka Xeer Loo Sameeyo Dhulka Kadib La Magacaabo, ……Guddigan Waxaan U Arkaa Qawlaysato Sii Murgin Doona Arrimaha Dhulka”-Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdillaahisuldaan maxamed

Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdillaahi ayaa si adag u naqdiyey guddidii uu Madaxweynaha Somaliland Habeen hore u magacaabay dib u habaynta siyaasadda dhulka, isaga oo ku sifeeyey in aanay waxba soo kordhinayn ee ay uga sii darayso murugii ka taagnaa khilaafaadka dhulka. Suldaanku waxa uu sheegay in guddidan madaxweynuhu magacaabay ay farogelin ku tahay shaqadii dawladaha hoose, taas beddelkeedana loo baahan yahay in marka hore laga fiirsado waxtarka iyo waxyeellada ay keeni karaan, isaga oo suldaanku duray qaar kamid ah wasiirrada xubnaha ka ah guddidan oo uu ku tilmaamay kuwo damacu ka horreeyo. “‘Guddigaasi runtii waxaan u arkaa guddi qawlaysato ah, intaasi oo jeer ayuu [madaxweynuhu] guddi magacaabay oo waa la ogaa inay bulshada madax isku galiyaan mooyaane inaanay wax kale garannayn”. Sidaa ayuu yidhi Suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo xalay waraysi kooban siiyey degelka wararka ee Somalireports.net, Dhinaca kale suldaanku waxa uu duray xubno kamid ah guddida wasiirrada ah ee madaxweynuhu magacaabay, isaga oo ku tilmaamay qaarkood kuwo baadidoon u ah dhul aanay lahayn “ Guddigan qaar kamid ahi waa daacad, balse qaar badan oo ka mid ahi iyaga ayaaba dhul doon ah. Waxa ay ahayd marka dhulka xeer loo sameeyo kadib la magacaabo guddidan haddii ay muhiim tahay, laakiin hadda sida muuqata magacaabistooda xataa lagama talo gelin Maayarka”.  Waxyaabaha kale ee waraysigan suldaanku bixiyey ee aanu soo xiganay uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa faro gelin uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey waajibaadkii qaran ahaan ay dawladda hoose masuulka ka ahayd iyo shaqadii loo igmaday, “Madaxweynuhu waxa uu si cad u faro geliyey shaqadii dawladdaha hoose. Waayo annaga ayaa dooranay Maayarka, annaga ayaa Madaxweynaha dooranay, kolkaa mid waliba waa in shaqadiisa uu ku ekaado, Maayarkuna waa ku filan yahay shaqadiisa waana in lagu garab istaago”.  Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaa uu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan doonta guddiyada aan laga fiirsan ee laab la kaca loo magacaabo oo uu tilmaamay in qaar kood waxyeelladooda la arkay “ Madaxweynaha waxaan leeyahay Guddidaasi way sii murgin doonaan arrimaha dhulka haddii aan xeer degdeg ah loo samayninna waxa ay noqon doontaa hangool ku boob ee arrintaas wax ka baddal, waayo kuwii dhulka aanu cashuurtiisa bixinay ee aanu shaciyaddiisa wada haysano ee masallaha ku yaallay ku sheegay dan guudba guddi bay ahaayeen” ayuu yidhi Suldaanku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here