Hargeysa(Hubaal) Guddidii beesha Sacad Muuse ee Hoodaale ayaa galabta ku kala jabtay qorshe siyaasadaysan oo beryahanba ku dhex jiray kaasoo ahaa in ay beeshu soo kala saarto siyaasiyiinta beesha ee isku haya musharaxnimada xisbiga islamrkaana ay beeshu doorato musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye
Guddida oo yeelatay fadhi illaa saaka socday isla markaana soo gabagaboobay salaadii casar kadib ayay ku kala jabeen in ay u codeeyaan iyagoo koox ka mid ah Guddidaasi gaashaanka ku dhufatay in Guddidu gasho hawl aan loo diran.
Kooxda hadhay ayaa dib u fadhiistay waxaanay wadaan qorshihii ay beryahanba wadeen iyadoo la filayo inay soo saari doonaan qorshihii loo yeedhiyey ee ahaa inay Muuse ugu dhawaaqaan in ay beeshu Musharax Madaxweyne u dooratay.
Waxa jira dhaqdhaqaaqyo isku soo horjeeda oo ay labada dhinac kala wadaan kooxda ka dareertay ayaa wada inay warbaahinta la hadasho si ay ugu bayaamiso in ay guddidu burburtay isla markaana aanu ahayn go’aan la isku raacay.
Kooxda kale ayaa iyana isugu yeedhay illaa shan Suldaan kuwaas oo ay doonayaan inay u bandhigaan go’aanka, hase yeeshee salaadiinta kale ee beesha ayaa iyana dhinacooda kulamo ka leh go’aanka Reerka lagu soo dhex tuuray, waxaana saacadaha soo socda soo bixi doona warar kala duwan oo ay labada dhinac warbaahinta siin doonto.