Guddiga Anshaxa Ee Komiishanka Doorashooyinka Oo Digniin Kama Danbeys Ah U Diray Axsaabta Siyaasadda

0
139

Hargeysa, (Hubaal) – Guddiga Anshaxa u qaabilsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani, UCID u diray digniin kama danbeys ah, iyagoo uga digay inay sameeyaan olole baal-marsan sharciga, iyagoo u soo jeediyey inay ku dhaqmaan xeerkii anshaxa ee ay hore u saxeexeen. Sidaana waxa lagu caddeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Anshaxa u qaabilsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay ku saxeexan yihiin Afar Xubnood oo Guddigaasi ka mid ah, waxaanu u qornaa sidan “Tixraac qoddobka 7aad farqadiisa 13 iyo 14 ee Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee kaadh-qeybinta lana saxeexay April 2017, tixraac tallo soo-jeedin guddida anshaxa 13 July 2017, tixraac go’aanka Anshax Marinta ee Guddida Doorashooyinka Qaranka oo dhan ka ahaa xisbiyada Waddani iyo Kulmiye sumadiisuna aheyd KDG/XK/089/2017 kuna taariikheynaa 17 july 2017, sidoo kale tixraac war-saxaafadeedkayagii bore ee sumadiisuna ahayd TIX:KDQ/GA/001/2017

Annagoo ogsoon in Xisbiyadda UCID, Kulmiye & Waddani ay wali sii wadaan olole sharciga baalmarsan oo ay ka wadaan degaan kala gedisan oo ka mid ah Somaliland, Waxaanu Komishanka Doorashooyinka u soo jeeedinayenaa in & Ciddii ay khusayso

In la fuliyo qodobadda ku xusan go’aankii hore ee Anshax marineed.

■In la xakeemeyo gawaadhida ay wattaan xisbiyadu si waafaqsan go’aankii anshax marineed ee ka soo baxay KDQ ee ahaa in aanay ka badan 5 gaadhi.

In laga hor istaago ololaha sharicga baalmarsan ee ay wadaan iyadoo lala kaashanyo ciidammada amniga.

In Hoggaanka xisbiyaddu ku waantoobaan kaambeynka tooska isla markaana ay ku eekaadaan gudbinta farriinta kaadh-qaadashada iyagoo ixtiraamiya xeerka ay saxeexeen.

XUBANAHA GUDDIDGA ANSHAXA EE K.D.Q.

Sucaad Ibraahim Cabdi Guddoomiye

Cabdiqaadir Cismaan Xasan Xoghaye

Aadan Xuseen Muxumed

Yasiin Qallinle

Cali Sh. Xubin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here