Guddoomiyaha Awdal Oo Shaaciyey In Xatooyo Loo Geystay Lacagtii Hore Loogu Dhisay Garoonka Xaaji Daahir

0
59

dayr dumayBoorama:(Hubaal)-Guddoomiyaha gobolka Awdal Md. Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa khasaare ay roobab dhawaan da’ay gaadhsiiyeen garoonka kubadda Cagta ee Xaaji Daahir Stadium ku eedeeyey shirkaddii markii hore dhistay oo u sheegay inay musuqmaasuq laxaad leh ku samaysay.

Guddoomiye Shiine oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama, ayaa caddeeyey inuu garoonkaasi u dumay musuq loo geystay maalkii loogu talogalay in dhisme tayo leh laga dhiso garoonka, waxana uu su’aal ka keentay cidda bixisay qandaraaska bixisay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Inuu garoonka kubadda cagtu dumo waxa sababay musuqmaasuq dhacay markii la dhisayey, shirkaddii dhistayna aad bay u musuqmaasuqday garoonka, anigu garan maayo ciddii la heshiisay iyo heshiiskii la kala saxeexday sida uu ahaa.”

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay meelaha tayo-xumadu garoonka  markhaatiga ah oo ay kamid tahay inaanu lahayn wax kaabado shub ah oo loo qoondeeyey in cimrigiisa lagu dheereeyo, kuwaa soo ka muuqda garoonka imika dumay,“Anigu weligay maan arag gidaar intaas dhererr le’eg oo aan shanti Mitir-ba kaabado shub ah loo dhexaysiinin, waxa loo dhexaysiiyeyna waa jaajuur uun, inta duntay mooyaane inta kalena way dumaysaa, haddii aanay duminna inaynu dawlad ahaan wax ka qabano weeye,” ayuu yidhi guddoomiye Mustafe Shiine.

Roobab mahiigaanno ah oo dhawaan da’ay ayaa dumiyey qayb ballaadhan oo kamid ah garoonka kubadda cagta magaalada Boorama ee Xaaji Daahir, waxana arrintaas kasoo baxday canaan la xidhiidha inaan xil la iska saarin dhawrista garoonka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here