Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Iyo Xubno Golaha Wakiillada Ka Tirsan Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Baanka Adduunka

0
10

Kulankaas Waxa Lagu Lafo-Guray Wadciga Dhaqaalaha Iyo Nidaamka Maaliyadeed Ee Ka Jira Somaliland

Nairobi(Hubaal)- Waxa Xarunta Dhexe ee Baanka Adduunku ku leeyahay Magaaladda Nairobi kulan ballaadhan oo saacado qaatey ku dhexmaray wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Baanka dhexe  Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi). Xubnaha Weftiga  dhinaca Somaliland waxa ka mid ahaa Guddigga Dhaqalaaha u qaabilsan Golaha Wakiillada oo ay ka mid ahaayeen  ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Xildhibaan Maxamed Axmed  Obsiiye, Xildhibaan Xuseen Maxamed  Cigge, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Cabdinaasir Cismaan Maxamuud oo Agaasimaha Qorshaynta Golaha Wakiillada. Waxa kale oo kulanka ka qayb galay  Cabdirahmaan Muuse Agaasimaha Waaxda Korjoogaynta Hay’adaha Maaliyadeed ee Baanka Dhexe iyo Mudane Axmed Maxamed  Nuur oo ka mid ah hagayaasha Mashruuca “SCORE” kana tirsan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

Waxa sidoo kale shirkaas  kasoo qayb galay Agasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Mudane Cabdirashid I. Cabdirahmaan. Dhinaca Baanka adduunka waxa hoggaaminayey Wakiilka Baanka adduunka ee Somalia iyo Somaliland u fadhiya Kenya, Mr. Hugh Riddell iyo Madaxa Barnaamijka Score Mr Thilasoni Benjamin iyo Fuaad Sharif oo ah khabiir arrimaha Maaliyadda. Kulankaas waxa lagu lafo-guray wadciga guud ee dhaqaalaha iyo nidaamka maaliyadeed ee ka jira Somaliland, xeerarka ku saabsan habaynta iyo toosinta baananka ee horyaala Golaha Wakiiladda iyo guud ahaanba tayaynta iyo taakuulaynta uu Baanka adduunku u fidiyo hay’adaha kala duwan ee ka hawl gala Somaliland. Dhammaan qodobbadii laga wada hadlay si fiican ayaa laysula meel dhigay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here