Guddoomiyaha Cusub Ee SOLJA Oo Ajandihiisa Koowaad Ka Dhigay In Xayiraadda Laga Qaado Wargeysyada HAATUF Iyo HUBAAL

0
24

Hargeysa(Hubaal) – Guddoomiyaha cusub ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa maanta Munaasibadii xilwareejinta ee lagu qabtey huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, soo bandhigay qorshayaal uu doonayo inuu fuliyo mudada saddexda sanadood ah ee uu xilkaasi haynayo.

solja xilwareejinGuddoomiye Xuuto, waxa uu ballan-qaadey inuu sidiisa ugu dhaqamayo heshiiskii laga gaadhay khilaafkii SOLJA “Waxaan ballan-qaadayaa heshiiska laga gaadhay (Khilaafka SOLJA) inaan sidiisa u fulin doono haddii ILAAHAY yidhaahdo, saxaafadda Somaliland-na waxaan u soo jeedinayaa inay dhigto wax kasta oo xajiin ahaa oo dhex maray ururka SOLJA “ ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Waxaan ILAAHAY ka baryayaa in saddexda sanadood ee SOLJA la ii doortay inaan qaan-gaadhsiiyo oo khilaaf dambe aanu dhex iman”

Guddoomiyaha SOLJA, waxa uu xukuumadda ka dalbaday inay ka taageerto in la hirgeliyo xarun ay ku tababaran doonaan suxufiyiinta Somaliland, taasi oo loogu Magac dari doono Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax “Waxa la iga sugayaa in la hirgeliyo xarun ay ku tababartaan suxufiyiinta Somaliland, sidaa daraadeed Wasiir (Cukuse) waxaan xukuumadda aad ka mid tahay uga magan ahay in suxufiyiinta Somaliland la siiyo hawshaasi wixii ay ku filan lahaayeen, ugu yaraanna guryaha dawladda ee xukuumaddu ay xaraasheyso ay na siiso ama sida ay SONYO ugu samaysay xarunta ay noogu samayso” ayuu yidhi.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) waxa uu xukuumadda ka codsaday in xayiraadda laga qaado HAATUF iyo Hubaal “Wasiir (Wasiirka warfaafinta) waxa kale oo aanu doonaynaa inaad xukuumadda ka soo qaado warqaddii dib loogu furi lahaa labada Wargeys ee xidhan ee HAATUF iyo HUBAAL, taasi oo ah tijaabada u horeysa ee ah inaanu wax qaban karno..”ayuu yidhi, wxaanu intaasi raaciyey “Mida kale Wasiir waxa la nagu xamanayaa dhanka xukuumadda’e waxaan kaa codsanayaa in saddexdaa sanadood ee SOLJA la ii doortay aan maqal suxufi baa la xidhay…”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here