Guddoomiyaha Degmada 26-June Oo Boggaadiyey Waxqabadka Xukuumadda Iyo Doorka Siyaasadeed Ee Madaxweyne Biixi

0
14

Bulsho Ahaan Waxa Aanu Taageersan Nahay Isla Markaana Boggaadinayaan Siyaasadda Madaxweynaha Ee Doorashooyinkii Dalka Ka Qabsoomay”

Hargeysa (Hubaal) Bulshada ku dhaqan degmada 26-june ayaa taageeray waxqabadka xukuumadda, gaar ahaan hawla Qabsoomay muddada madaxweyne Biixi talada hayo.

Guddoomiyaha degmada 26-june ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil oo u waramay wargeyska Hubaal, ayaa sheegay in ka bulsho ahaan ay taageersan yihiin isla markaana boggaadinayaan siyaasadda madaxweynaha ee doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, taas oo uu tilmaamay mid madaxweyne Muuse Biixi lagu xusi doono, gaar ahaan guddoomiyuhu waxa hambalyeeyay qaabkii loo doortay guddoonka golaha wakiillada oo ku macneeyay mid buugga xusuusta u geli doobta madaxweyne Muuse.

“Aniga oo ku hadlaya afka degmada 26-june, waxa aan boggaadinayaa guud ahaan waxqabadka xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi, sida ay u socdaan hawlaha qaran, hadday noqoto shaqo qaran iyo mashaariicda kale ee dalka ka hirgalay. Sidoo kale waxa aan boggaadinayaa siyaasadda madaxweynaha ee dhinaca doorashooyinkii ka qabsoomay ee mucaaridku guulaysteen, gaar ahaan doorashadii shirgudoonka wakiillada oo runtii la odhan karo, tallaabo madaxweyne Biixi markale u qaaday dhinaca dhismaha dalka, lamana odhan karo mid ay isbahaysi ka dambeeyeen. Sidaa daraadeed Waxa aannu ugu qanacsan nahay sidii uu madaxweynuhu ugu qancay doorashada shir-guddoonka” ayuu yidhi

Gudoomiye Shiil ayaa intaasi ku daray. “waxyaabaha aanu bulsho ahaan madaxwynaha ku boggaadinayno waxa kamida, sicir-bararka, gaar ahaan shillinka somaliland oo dawladdiisu aad wax uga qabatay. Bulsho Ahaan Waxa Aanu Taageersan Nahay Isla Markaana Boggaadinayaan Siyaasadda Madaxweynaha Ee Doorashooyinkii Dalka Ka Qabsoomay” ayuu yidhi Guddoomiyaha degmada 26-june ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here