Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle Maxamed Cumar Faarax Jar-ku-naban, ayaa shaaca ka qaaday inuu guul ku dhammaaday mashruuc xukuumaddu biyo kaga soo saaray deegaanka Coodanle oo dad badan oo reer-guuraa ahi kusoo urureen, waana uu si weyn ugu mahad celiyey Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba wasiirka Maaliaydda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu dedaal badan gelisay sidii Riiggaasi u midho dhali lahaa.
Guddoomiyaha oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay, ayaa xusay in guushaas taariikhiga ah biyaha loogu soo saaray dadka abaartu taabatay ay ku ammaanan yihiin madaxweyne Siilaanyo iyo weliba wasiir Samsam, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “mashruucii Riiggu wuu guulaystay, madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda Marwo Samsam-na dedaal dheeraad ah bay geliyeen, abaal iyo sharaf weynna waanu ugu haynaa, waana wax taariikhi ah oo la taaban karo, cid kasta oo ka qayb qaadatayna waanu u mahadnaqaynaa, waana wax nolosha dadka anfici doona.”
Guddoomiyuhu isaga oo hadlakiisa sii wata, waxa uu xusay in riiggaas xukuumaddu hirgelisay si weyn loogu badhaadhay,“Riigii waa laga cabayaa biyuhuna 370mitir ka imanayaan, dadka yaraanta ku sheegayaana waxba kama jiraan, inkasta oo ay fiicnayd in beebabku intaas ka weynaadaan, haddana waa lagu badhaadhay, xukuumadda iyo xisbigana waanu ugu abaal haynaa” ayuu yidhi Maxamed Cumar Jarku-naban.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Riigga Coodanle laga soo saaray biyo macaan oo dad iyo duunyoba la cabi karo, waxana uu xusay inay hoos udhaceen qiimihii biyaha markii hore lagu heli jirey, waxana uu yidhi,“Buyuhu waa macaan, dad iyo duunyo ba waa la cabayaa, waana biyo cidkastaana isticmaali karto, wax walbana loo isticmaali karo, waana dedaalkii xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, guushaasina waa riiggaas la qoday iyo xaaladda lagu jirey oo adkayd, haatan ka horna foostadu waxay gaadhay $2-dollar iyo laba kale oo lagu qaado, imikana biyihii aad bay u jabeen oo shidaalkii oo jaban iyo biyihii oo la helay ayaa isku beegmay.”
Maxamed Cumar Jarku-naban, waxa uu mahadnaqiisa ku daray wasaaradda Macdanta oo dedaal badan riiggaas gelisay, waxana uu sheegay in bulsho tiro badan oo deegaanno kala durugsan ku nooli riiggaas usoo biyo doonanayaan,“wasaaradda Macdanta iyo qolada riigga soo saartayna waanu u mahadnaqaynaa, xoolihii iyo gaadiidkiiba way ka cabayaan oo waa la dhaansanayaa, intii riiggan la rakibayna kii Qabri-huluulba way suurtogaleen, xoolihiina 10% baa ceelka imanaya, intii kalena waa loo qaadayaa, masaafo badan oo ilaa kilalka shanaad ahna biyihii way anfaceen”ayuu yidhi guddoomiye Jarku-naban.
Ugu dambayntii waxa uu guddoomiyuhu baaq u diray gaadiidleyda riiggaas biyaha ka dhaamisa, waxana uu ugu baaqay inay umaddooda u naxariistaan, isla-markaana aanay dhaqaale iyo lexejeclo eegin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Gaadiidleyda waxan ugu baaqayaa xilli lacageed lama joogee, ciddii shiidaal haysata waa inay caawiyaan oo ay jileeca umadda eegaan, oo ay naxariis muujiyeen, iyaga oo ka tegaya lexejeclada iyo dhaqaale-raadiska”