Hargeysa (Hubaal) Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa Kaltuun Haaruun Maxame U magacaabay inay noqoto, guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbigaasi ee Gobolka Gabiley. Qoraal uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ahna musharraxa xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhignaa sidan;
Ref. No: XK/XGX/0042253/2017 April 15th, 2017
Ku: Kaltuun Haaruun Maxamed = Gabiley =
Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley = Gabiley =
Og: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE = Hargiesa =
Ujeeddo: Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley Oo La Magacaabay.
Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE u leeyahay abaabulka haweenka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay April 15th, 2017 loo magacaabay xubinta hoos ku qoran in ay noqoto Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
– Kaltuun Haaruun Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE.
Waxa aan u rajaynayaa marwadda magaceedu kor ku xusan yahay in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilkeeda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
______________________________________________
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyepartychairman@gmail.com
Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,
Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.