Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Ku Dhawaaqay Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Laascaanood

0
33

Laascaanood (Hubaal) Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xaaladeeda aad u kacsan tahay, kaddib markii siyaabo kala duwan loogu dilay ilaa laba ruux, waxaana la soo sheegayaa in deegaanno aan ka fogeyn magaalada ay ka dhaceen dagaal beeleedyo.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka magaalada Laascaanood uu bandow ku soo rogay magaalada si loo dejiyo xaaladda, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay gudaha iyo hareeraha magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Shiine oo shir jaraaid ku qabtay maanta xafiiskiisa magaalada Laascaanood ayaa ku dhawaaqay bandow 24 saac ah oo lagu soo rogay magaalada Laascaanood.

Gudoomiyaha ayaa xusay in bandowgan looga dan leeyahay joojinta dagaal ka dhacay koonfurta magaalada Laascaanood oo wali laga maqlayo rasaas xoogan.

Dhinaca kale wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in laga cabsi qabo dagaallo kale oo halkaasi ka dhaca, kaddib markii la arkay maleeshiyoooyin beeleed isku diyaarinaya inay qaadaan dagaal ay ugu aar gudanayaan dadkii laga dilay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here