Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Loollanka KULMIYE

0
38

Hargeysa, (Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in loolanka musharaxiinta faraha badan ee Kulmiye fursad u yahay in musharaxa ugu habooni u soo baxo hogaanka dalka.

“Loolanku waa xaq loomana diidana sidaas ayuun baa ninka saxa ah lagu helaa,mana diidani anigu in ay loolamaan iyagu,aakhirkana nin uun baa ka soo dhex bixi kaas na waanu ugu ducayn,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Dhalinyaradu marka ay diyaar noqdaan kursiga lays kagama kacee way ka riixan doonaan, markaas marka ay naga riixdaan wuu banaanaan doonaa oo waa la sugi doonaa marka ay naga riixdaan,” ayuu yidhi guddoomiye saleebaan.saleebaan gaal

Guddoomiye Saleebaan oo waxa uu intaas ku daray “Waxba arintaas ka odhan mayo adeer, waxa ay u talaa xukuumada iyada ayaana ku shuqul leh,iyada waydiiya.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here