“Waxa wanaagsan inay madaxdu dadkooda u dhigaan dhaqan aan ku dhisnayn curfi iyo cadawtinimo” C/raxmaan Cirro
Hargeysa(Hubaal) Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa ka digay in awooda ciidamada Somaliland cid gaar ahi ay ka faa’iidaysato. Qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, ahna guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ku faafiyay Facebookga ayaa waxa waxa uu ku yidhi
“Hay’adaha amnigu waa in ay ka madaxbanaanaadaan tartamada siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada qaranka.
Haddii cid gaar ahi si gaar ah u isticmaasho hay’adaha amniga waxa ay luminayaan kalsoonida ay shacabka ku qabaan waxaana ay gaadhi kartaa in kalsoonida dawladnimada lagu qabaa wiiqanto.
Waxa si gaar ah aan ugu baaqaynaa in aan ciidanka lagula dagaalamo argagixisada ee RRU aan loo adeegsanin arrimaha siyaasadda; arrintaasina waa mid khatar weyn keeni karta.
Waxaa laga yaabaa in maanta cidda ciidanka amarka siinaysaa ay dano gaara ka leedahay laakiin tani uma adeegayso nidaamka dawladnimo maadaama oo cidda maanta xilka haysaa aanay berri haynin.
Waxa wanaagsan inay madaxdu dadkooda u dhigaan dhaqan siyaasadeed oo xalaal ah oo laga dhaxlo oo aan ku dhisnayn curfi iyo cadawtinimo dadka ay kula dhaqmaan hay’adaha amniga ee ku shaqeeya taageerada shacabka ee dhan kasta leh haday noqoto cashuur iyo haday noqoto dadka oo iyagu amniga si toos ah ugala shaqeeya hayadahaas.
Xisbiga Waddani waxa uu cod dheer ku sheegayaa in siyaasadda iyo hayadaha amniga iyo difaaca dalku ay kala madax baanaanaadaan oo ciidamadu aanay laynin kuwii ay ahayd inay difaacaan.