Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda Ee Baarlamaanka Jabuuti Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

0
10

Hargeysa (Hubaal) – Magaaladda Hargeysa waxa si diiran loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale Yaasiin oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka Jabuuti. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale oo dhinaca kalena ah Guddoomiyaha Gudi Hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Wadanka Djabouti ayaa waxa hargeysa si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Cadaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo labada gole ee guurtida iyo wakiiladda. Inta uu jooggo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cawaale Somaliland, waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doona xildhibaanadda Labada Gole ee Somaliland iyaga oo ka wada hadli doonaa is dhaafsiga xogaha iyo waayo aragnimadda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here