Hargeysa (Hubaal)-:Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo Ayaa Soo Dhaweeyey Xubnihii Gudida Ahaa Ee Madaxweynaha S/Land Dhawaan Umagacaabay In Ay Ka Soo Talobixiyaan Sixir Bararka Dalka Ka Taagan. Gudoomiyaha Guddi Hoosaadka Ee Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland Xidhibaan Siciid Maxamed Oo shalay Xarunta Baarlamaanka Ugu Warramey Shabakada Togaherer Ayaa Si Ballaadhan U Soo Dhaweeyey Gudidii Uu Madaxweynaha S/Land U magacaabay In Ay Ka Soo Talo bixiyaan Sixir Bararka Dalka Ka Taagan, Halka Uu Sidoo Kalena Uu U Balanqaaday Guddidaasi In Uu Gacan Ka Siindoono Waxyaabaha Ay Uga Baahdaan Dhinaca Golaha Guurtida Somaliland,Waxaanu Yidhi Sidan: “Anigoo Ah Gudoomiyaha Guddi Hoosaadka Ee Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo Waxaan Aad Iyo Aad U Soo Dhaweynayaa Gudidii Uu Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland U Magacaabay In Ay Ka Soo Talobixyaan Dhaqaalaha Dalka Iyo Sixir Bararka Dalka Ka Taagan Oo Dhibaato Dalka Ku Haya ,Kalfadhigayagii Horena Gudoomiyahayagu Waa Ku Soo Daray Ajandaha In Guddi Soo Naaqishta Loo Saaro,Arrintaasi Aad Iyo Aad Ayaan U Soo Dhaweynayaa,Waxaanu Ka Caawin Doonaa Wixii Gudidaasi Nooga Baahato,Arrimaha Dalka Wax Loogu Taraayo Siyaasad Ma Aha. Ganacsatada Dalka Waxaan U Sheegayaa Nin Ayaa Habeen Farta Taagay Ayaan Hadaad Tihiin Ganacsatada Dalka Ayaan Magac La Idiin Bixinin ,In Aanay Qabyaalad Ku Gaban Karin Qiimaha Ay Wax Ku Soo Iibsadaan ,Waxaan U Sheeyagaa In Sharcigu Maanta Idin Imanaayo”.