“Anigu ninkaas Arrinkiisa Mar Kale Ayaan Ka Hadli Doonaa Ee Immika Afka Ha Ii Gelinina”
Hargaysa(Hubaal)- Guddoomiyaha golaha guurtidda somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud ayaa Aamusnaan Kaga Jawaabay hadalkii ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga waddani ee sheegayay inuu Xilka iska Dago Guddoomiyahu Si Booskiisa loo buuxiyo. Guddoomiye saleebaan oo warbaahintu shalay u holatay si ay waxa uga waydiiso Eedo guddoomiye ciro ayaa sheegay inaanu wakhtigan Diyaar u ahayn inuu ka jawaabo Eedo Guddoomiyaha balse uu markale ka hadli doono. “Anigu ninkaas u jawaabi Maayo,waxba odhan maayo ee ninkaas afka hay galinina,hadalkaas guddoomiyaha anigu markale ayaan ka hadli doonaa.Guddoomiye saleebaan ayaa sidaas yidhi Guddoomiye ciro ayaa hore guddoomiyaha golaha guurtidu ugu soo jeediyay inuu iska nasto isla markaasina booska guddoomiyaha golaha Guurtida la keeno cidii buuxin lahayd, kaas oo cadeeyay inuu noqon karo sheekh Aadan Siiro Oo bulshadda somaliland inteeda badani taqaano