Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shalay Ka Dhex Toosay Wasaarad Gunnadeeda iyo Shaqaalaheedu Kala Fog Yihiin Cabashadeeduna Badan Tahay

0
39

Waxa Laga Yaabaa Adigoo Shaqeeya In Qof Suuqa Joogaa Kaa Lacag Badan Yahay O Dhawr Milyan Iska Qaadanayo

 

Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalahu Waxa Uu Ka Hadlay  Caddaalad-darro Is Biirsatay iyo Shaqaale Isku Dul Nool Oo Dhibta iyo Dheeftu Aanay U Dheeli-tirnayn

IMG_3D8F88-52E28E-3DD723-062524-490F32-F4B757

Hargaysa (Hubaal)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Md. Maxamed Mixille Boqorre, ayaa sheegay in caddaalad darro ka jirto shaqaalaha dawladda, isagoo tilmaamay in dad dawladda mushahar ka qaataa aanay shaqo tagin ama ay haystaan shaqooyin u gooni ah. Guddoomiyaha oo  shalay kormeer aan la sii ogayn ku tegey  xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland, ayaa sheegay inay kala shaandhaynayaan shaqaalaha islamarkaana hubinayaan cidda aan si joogto ah shaqada u iman si looga saaro liiska shaqaalaha dawladda. “Waxaanu halkan u nimid waxaanu kaantaroolaynaa shaqaalaha dawladda, bar yahan way yara baahbaaheen oo waanu xakamaynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Md. Mixille, waxaanu intaa ku daray “ Dhibaatada dhacday waxa weeye dad baa iska shaqaysta dadna xafiisyadii bay joogaan, markaas baa isku mushahar la qaadanayaa haddana, waliba wasaaraddan warfaafinta gunno faro badan ayaa la qaataa, waxaan u sheegayaa cid aan shaqayni gunno iskama qaadan karto,” ayuu yidhi Mr Mixille. Isaga oo shaqaalaha warfaafinta ku war geliyey ciddii aan kormeerka xafiiskoodu arkin muddo shan iyo toban cisho ah oo ay kala hufayeen shaqaalaha ay tegaan xarunta shaqaalaha si lo hubiyo haddii kalena laga saari doono jaantuska mushaharka [Pay roll] dawladda,  “Qofka 12 cisho bilaa fasax kaga maqnaa shaqada shaqaale noo noqon maayo, wasaaraddaha oo dhanna waanu maraynaa, wasaarad walba ha diyaar garowdo, waxaanu samaynaynaa madax taabasho, haddii aanu madaxa taaban wayno qofkaasi shaqaale nooma aha anaga,” ayuu yidhi Mr Mixille.  Waxa uu sheegay inay suuro gal tahay in dad suuqa iska joogaa ka lacag badan yihiin kuwa shaqada sida joogtada ah u wada ee qaranka u shaqeeya “ Waxa laga yaabaa adigoo shaqeeya in qof suuqa joogaa kaa lacag badan yahay, kaas baanu rabnaa inaanu soo saarno, waana khalad iyo dambe, waxa weeye nin baa dhawr milyan iska qaadanaya, adna aanay hal Milyan ba qaadan”, Ayuu yidhi Mr. Mixille.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here