Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa la guddoon siiyey Bilad abaalmarin uu ku muteystay shaqo wanaaga xilka qaran ee uu ugu adeego umaddiisa reer Somaliland .
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isaga iyo dad kale oo tiro badan oo haldoorka reer Somaliland ah, Xaflad lagu qabtay Magaaladda Hargeysa uu Abaal marintan oo sanadkii ba hal mar ay soo agaasimeen dhalinyarada ururka waddaniga ee SODRA, waxa halkaasi laga qiray hiilka qarankiisa Somaliland uu guddoomiye Sharmarke Geelle sida hagrasho la’aanta ah ugu adeego xilka qaran ee uu bulshadda u hayo uu abaalmarintan muhiimka ee sannadlaha ah ku mutaystay laguna gudoonsiiyey.
Munaasabadan oo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, madax kale oo tiro badan iyo shaqsiyaad haldoorka bulshadda qaybaheeda kala duwan ka mid ah oo door lixaad oo raad iyo saameyn muhiima ka geystay qaranka Somaliland, ayaa halkaasi abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyey iyada oo qof kasta waxa uu kumudan yahay iyo sababta loogu doortay abaalmarintan lagu sharfay ee lagu qiimeeyey halkaasi laga sheegay, waxay sido kale dhiirigelin u sameeyaan dhalinyarada hal-Abuur ganacsi ama dedaal qofeed sameeyey sanadkii teggay
Haddaba, waxaa munaasabadan abaal marin shaqo hufnaan iyo dedaal la gudoonsiiyey gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed iyagoo ku sifeeyey shakhsi si sharaf le u metelay dhalinyarada qaranka isla markaana hay’adda shaqaalaha gaadhsiiyey caddaalad iyo in qalinku qiimo yeesho, mudane Sharmaake Geelle oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyey abaal marinta la siiyey isagoona sheegay in ay u noqon doonto shidaal iyo horusocod.