Akhri: Nuxurka Warqad Furan Oo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallahu Kaga Jawaabay Digniinta Ay Guddidu Xafiiskiisa Keeneen Iyo Sharciyada Ay U cuskadeen
“Ka dib markii aan dib u eegay Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-KA XEER LR.67/2014 Qodobkiisa 14aad faqradiisa 1aad, waxa aanu go’aansanay; in aanu idinku wargelino in……..”
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle, ayaa Jawaab sharci u cuskaday dhawaaqii kasoo yeedhay guddida anshaxa doroashada ee komishanka doorashooyinka ee la xidhiidhay anshax marinta agaasimaha fulinta ee komishanka la dagaalanka HIV/AIDS-ka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif) oo ay ku eedeeyeen in uu jebiyey digreetadii madaxweynaha ee nuxurkeedu ahaa in aan shaqaallaha dawladdu ka mid noqon Karin jileyaasha doorashada iyo ololeyaasha axsaabta.
Md Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle, oo xalay Warsaxaafaddeed uu soo saaray kaga jawaabay warqada digniinta ah ee guddida anshaxa doroashada ayaa tafsiir sharci ka bixisay Masuulkan ay soo eedeeyeen oo dhawaan guddoomiyaha KULMIYE Ku Daray guddida ololaha doorashada ee xisbiga KULMIYE. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahis oo gaadhay wargeyska HUBAAL waxaa isaga oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan:
Jawaab Celin iyo Jihaynta Jidkeeda
Tixraac CSC/GDQ/21/2017 Taar 08/10/2017
Ku: Sucaad Ibraahim Cabdi- Guddoomiyaha Guddida Anshaxa JSL =Hargeysa=
Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL =Hargeysa=
Og:: Guddoomiyaha/Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye JSL
Og: Madaxweynaha JSL
Mudane/Marwo
Aniga oo tixraacaya waraaqda sumaddeedu tahay GA/XGA/007/2017 kuna taariikhsnayd 07/10/2017 ujeeddadeeduna ahayd Tallaabo Anshax oo lagu qaado Cabdikariim Axmed Maxamed.
Kadib markii ay ii caddaatay in Cabdikariim Axmed Maxamed ku jiro liiska Guddida soo Xulista Goob-joogayaasha ee dhawaan Xisbiga Kulmiye magacaabay.
Ka dib markii aan tixraacay hannaanka shaqaalenimo ee Cabdikariim Axmed Maxamed isla markaana ay ii caddaatay in uu ku magacaaban yahay wareegto Madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/M/AID-KA/104-0146/082010 kuna taariikhaysan 16/08/2010.
Ka dib markii aan dib u eegay Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-KA XEER LR.67/2014 Qodobkiisa 14aad faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan: (Agaasimaha fulinta iyo agaasimeyaasha kale waxaa magacaabaya xilkana ka qaadaya Madaxweynaha) isla markaana xeerku xusay in madaxweynuhu yahay guddoomiyaha hay’adda “AIDS-KA”.
Ka dib markii aan dib u darsay sharciga shaqaalaha dawladda Sharci LAM.7/96 Qodobkiisa 2aad faqraddiisa 1aad oo xusaya KU-DHAQIDA sharcigan oo tilmaamaya in lagu dhaqayo shaqaalaha joogtada ah ee dawladda (Kuwaas oo ay shaqaaleeyaan guddida hay’adda shaqaalaha dawladda).
Sidaas darteed, waxa aanu go’aansanay; in aanu idinku wargelino in wixii aad abaal marin ama anshax marin u aragtaan u gudbisaan Madaxweynaha JSL.
Wada Shaqayn Wacan
Guddoomiye Sharmarke Geelle oo Jawaab Dariiq Sharciyeysan Ka Bixiyey