Guddoomiyaha Imtixaannaadka Oo Sii Gelbiyey Arday Waxbarasho Sare Ka Helay Itoobiya Oo Galabta U Ambobaxay Addis Ababa

0
39

DAAWO+AKKHRI: Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Oo Galabta Sii Gelbiyey Arday Ku Guulaystay  Deeq Waxbarasho Sare Oo Ay Dawladda Itoobiya Siisay Somaliland

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland Md. Daauud Axmed Faarax oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL ayaa shalay gelinkii dembe u ambo baxay wadanka Itoobiya iyaga oo hor kacaya qayb kamid ah arday reer Somaliland ah oo Deeq waxbarasho sare ka helay wadankaaasi, kuwaas oo laga soo xulay gobollada iyo degmooyinka dalka. Guddoomiyaha oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “Waxaa Farxad weyn ii ah inaan maanta hoggaamiyo ardaydii Somaliland oo ka guddoomiyaha-xafiiska-imtixaannaadkakooban gobol walba oo deeq waxbarasho ka helay dawladda federaalka ah ee Itoobiya oo iyadu innagu caawisay Schoolership, ardaydan oo ah kuwii ugu sarsarreeyey    imtixaannaadka oo maanta [shalay] u ambobaxay magaallada Addis ababa, kuwaas oo aanu qayb kamid ah galabta qaadayno, qaybina ay saaka baxday qaybta kalena ay insha allah berry [maanta] baxayso. Markaa waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa ardaydaas oo iyaga qudhoodu dedaalay waayo wax kale oo lagu kala reebi karo tartankooda ma jirto inay ku guulaystaan”, sidaas ayuu yidhi Md. Daauud Axmed Faarax, guddoomiyaha guddida imtixaanaadka qaranka Somaliland oo isagu hor kacayay hormadan ardayda ah ee shalay u ambo baxay wadanka Itoobiya, kuwaas oo qayb ka ah deeq waxbarasho sare [Post Graduate] oo ay dawladda Itoobiya ugu deeqday Somaliland. Weftiga Guddoomiyaha Imtixaannaadka Qaranka  oo ka sokow ardayda ay xubno ka ahaayeen saraakiil wasaaradda waxbarashada ka tirsan oo ay kamid yihiin agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Fadxiya  Dubbad Maxamed, Agaasimaha waaxda macaahidda iyo tacliinta ee wasaaraddaas, Maxamed Jaamac Rooble iyo la taliyaha wasiirka waxbarashada Maxamed Isaaq Hilow, waxaa ay dhammaantood shalay gelinkii dembe ka ambo baxeen magaallada Hargeysa iyaga oo ka duullay madaarka caasimadda.  Guddoomiye Daauud Axmed Faarax oo ka hor intii aanay dalka ka ambo bixin warbaahinta qaarkeed la hadlay ayaa ka warramay geedigooda iyo qaabkii ay ku soo xuleen ardaydan deeqda ku guulaystaya, “Waxaanu ardaydan kus oo xulnay oo lagu kala reebay hadday yihiin gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka waa siday u kala sarreeyeen uun iyo dedaalkooda. Waxaa iyaguna jira oo aanu ardayda ugu bushaaraynaynaa  ardayda iyo waalidiintaba in boqol arday oo deeq waxbarasho ah oo ay iyaguna inna siiyeen dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya oo aanu aad iyo aad iyagana ugu mahad naqayno”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here