Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa shalay lagu soo dhaweeyey degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, kadib markii ay kasoo guryo noqdeen safar shaqo oo ay muddo ugu maqnaayeen dalweynaha Ethiopia.
Waftigan oo ay xubno ka ahaayeen guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, wasiirka arrimaha gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir(farotoon), safiir-ku-xigeenka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa Ambassador Ayaanle Salaad iyo wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumaddii madaxweyne Rayaale Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo haatan kamid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa barqonimadii saaka barqonimadii kasoo galay magaalo xuduudeedda kala qaybisa Somaliland iyo Ethiopia ee Wajaale, iyada oo galbinayeen saraakiil iyo wasiirro heerkoodu sarreeyo oo katirsan dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxana halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo sugayey soo noqoshada waftigan oo ay hormood u ahaayeen madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadda ee gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale.
Goobta khayriyadda ee maalada Wajaale, ayey markii dambe masuuliyiintani kala hadleen dadkii soo dhaweeyey, waxana ugu horrayn halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka gabiley ee xisbiga KULMIYE Md. Shirwac, waxana uu si weyn ugu mahadnaqay dadweynihii usoo baxay soo dhaweynta guddoomiyaha KULMIYE iyo waftigiisa.
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo isagu ah suldaanka guud ee gobolka Gabiley oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey guddoomiyaha iyo waftigiisa, waxana uu xusay inay shacabka reer Wajaale diyaar u yihiin taageerada xisbiga KULMIYE iyo taageeradiisaba, waxana uu sidoo kale ka mahadnaqay soo dhaweyntii ay dawlad-deegaanka Ethiopia u sameeyeen guddoomiyaha KULMIYE iyo walaaltinimada ay muujiyeen madaxdoodu.
Suldaan Xasan oo isaguna kamid ah salaadiinta deegaanka Wajaale oo hadallo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay dadweynihii sida weyn ugu soo baxay soo dhaweynta guddoomiyaha iyo waftigiisa, isaga oo sidoo kalena maamulka dawlad-deegaanka Ethiopia uga mahadnaqay sidii wanaagsanayd ee ay guddoomiyaha iyo waftigiisa usoo dhaweeyeen muddadii uu deegaankooda ku sugnaa.
Badhasaabka gobolka Gabiley Md. Xamse Maxamed Cabdi, ayaa isaguna shacabka reer Wajaale uga mahadnaqay sida hufan ee ay xilka iskaga saareen soo dhaweynta guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo waliba sida ay ugu dulqaateen cadceedda iyo kulaylka oo ay muddo dheer oo saacado ah taagnaayeen.
Wasiirka Gaadiidka iyo ganacsiga u qaabilsan ismaamulka Soomaalida Ethiopia Md. Khadar Cabdi Ismaaciil oo kamid ah wafti wasiirro ah oo katirsan ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo guddoomiyaha iyo waftigiisa dhinaca Somaliland u soo galbiyey oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa si weyn u amaanay guddoomiye Muuse Biixi, waxana uu u rajeeyey inuu eebe ku guuleeyo hankiisa madaxtinimada dalka, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “jacaylka iyo wanaagga aad guddoomiyaha u muujiseen mid lamid ah baanu anaguna umuujinay intii uu nala joogay, aadna waanu usoo dhaweynaynaa guddoomiyaha oo ay aad iyo aad uga go’an tahay inuu Somaliland iyo shacabkeedaba meel sare gaadhsiiyo, himilooyinkiisuna ma aha wax halkan lagu soo koobi karo, waxana aan u rajaynayaa inuu guulaysto oo Berrito isaga oo madaxweynaha Somaliland ah aanu annaguna booqasho ugu tagno.”
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadallo mahadnaq iyob bogaadin u badan ujeediyey shacabka ku dhaqan Wajaale, isaga oo sidoo kale shacabka iyo madaxda dawladda Federal-ka Ethiopia iyo ismaamulka kililka shanaad ee Ethiopia uga mahadnaqay sidii milgaha lahayd ee usoo dhaweeyeen muddadii uu safarka dalkooda ku joogay iyo booqashooyinkii uu la qaatayba, waxana uu yidhi, “Shacabka sida wanaagsan noo soo dhaweeyey ee bahadka taagnaa muddada dheer aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa, sidoo kale waxan u mahadnaqayaa dawladda aynu jaarka nahay ee Ehiopia heer federal ilaa ra’isal wasaaraha, shacabkooda iyo ciidamadoodaba sidii walaaltinimada lahayd ee ay noo maamuuseen iyo dawlad-deegaanka Ethiopia oo si cajiib ah oo walaaltinimo leh oo kalgacl badan madaxweynahooda iyo shacabkooduba noosoo dhaweeyeen, isla markaana ay wafti wasiirro ah nasoo galbiyeen oo ay xadkii kasoo tallaabeen.”
Intaas kadib waxa guddoomiyaha iyo waftigiisa loosoo galbiyey dhinaca magaalooyinka Kala-baydh iyo Gabiley, waxana waddooyinka iyo fagaareyaasha kala duwan ee magaalooyinkaas taxnaa dadweyne usoo diyaar garoobayb soo dhaweynta waftiga, kuwaas oo uu guddoomiyuhu gaadhiga uga degay, isla markaana socod lug ah iyo orod koobanba la qaatay dhallinyaro xiiso u qabtay aragtidiisa oo waddooyinka ku sugnayd.
Guddoomiyuhu oo soo dhaweyn laxaad leh kala kulmay dadweynaha reer Gabiley ayaa markale fagaaraha khayriyadda kala hadlay shacabka reer Gabiley, isaga oo uga mahadceliyey soo dhaweyntooda iyo samirka ay muujiyeen, maadaama uu wakhti kulul kusoo beegmay, waxana uu si faahfaahsan uga hadlay safarkiisii dalka Ethiopia, waxana uu tilmaamay inuu safarkaasi guulo ballaadhan usoo hooyey Somaliland, isla-markaana ay labada dhinac isla meel dhigeen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal.
Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay madaxda kala duwan ee dawladda Ethiopia kala hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin hirgelinta waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale iyo sidii loo dhammaystiri lahaa guddidii ganacsi ee labada dhinac ee dardargelinta baayac-mushtarka labada dal, isla-markaana wax badan la iska weydiiyey kor u qaadista arrimaha amniga iyo xoojinta arrimaha siyaasadeed ee labada dhinac u dhexeeya, isaga oo sidoo kale hoosta ka xarriiqay inay xukuumadda Ethiopia ballan qaaday inay qayb muhiim ah ka qaadan doonaan arrimaha abaaraha, isla-markaana ay toddobaadka soo socda hor dhaca caawimooyinkaasi dalka soo geli doonaan.
Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Farotoon, Warshedaha Md. Shucayb Maxamed Muuse oo iyaguna shacabka reer Gabiley la hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay shacabka, waxana ay bogaadiyeen sida ay muhiimadda u siiyeen soo dhaweynta waftiga uu guddoomiyuhu hoggaaminayo.